Khamiis,
Rasaasta ay is-weydaarsadeen labada Ciidan ayaa waxay sababtay inuu geeriyoodo mid ka mid ah Ciidamadii Booliska ahaa ee roondada sameynayay, iyadoo markii uu askarigaas dhintay kadib ay labada Ciidan oo kala shakiyay is-aqoonsadeen, sidaasna ay rasaastii ku istaagtay.
Is-rasaaseynta labada Ciidan dhexmatay oo muddo kooban socotay ayaa waxay si weyn u cabsi gelisay Dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo oo rasaas ay maqlaan ay muddo dheer ugu dambeysay.
Sababta ugu weyn ee keenta in ay kala shakiyaan Ciidamada Dowladda iyo Ilaalada Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegaa in ay tahay iyadoo aaney is-aqoonin labada ciidan iyo iyadoo ilaalada Madaxda Dowladda ay yihiin kuwo aan kalsooni ku qabin Ciidamada Dowladda, iyadoo taasina ay keento in ay kala shakiyaan labada ciidan kadibna ay is-weydaarsadaan rasaas muddo kooban socota sida xalay Baydhabo ka dhacday oo kale.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Col. Xasan Maxamed Nuur Shaatigaduud ayaa wuxuu u tegay magaalada Baydhabo sidii uu waxqabadka Wasaaraddiisa ugu bandhigi lahaa Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo shalay mar uu Mudanayaasha hortooda ka hadlayayna uu sheegay in Wasaaraddiisa waxqabad iska daaye aysan lahayn xafiis, kursi, miis iyo meel loogu soo hagaago, sidoo kalena dhaqaalaha soo gala Dowladda Federaalka aan la soo marsiin, xitaa deeqdii ugu dambeysay oo Sacuudiga ka timid.
Ugu dambeyntiina, Iska hor-imaadyada dhexmara Ilaalada Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Ciidamdada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay noqdeen kuwo caadi noqday, waxaana dhawaan gudaha Magaalada Marka isku rasaaseeyay Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Dr. C/qaadir Maxamed Nuur iyo Ciidamo Roondo sameynayay, kuwaasi oo la sheegay in ay kala shakiyeen, ka sii horna waxaa magaalada Muqdisho isku rasaaseeyay Ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Ciidamo ilaaliya Xarunta Villa Somalia.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






