13 C
London
Monday, October 27, 2025

Qarax lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan oo sababay dhimasho iyo dhaawac

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis,04 October 2007(HOL): Labo ruux oo rayid ah ayaa geeriyootay, qof kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii ay ku qaraxday Miino loo dhigay Ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgallo ka sameynayay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

 

Labada Ruux ee geeriyootay ayaa la sheegay in ay ahaayeen Haweeney iyo Nin Da’ ah oo wadada marayay, halka qofka dhaawacmayna uu ahaa Wiil yar oo ay wadatay haweeneyda geeriyootay.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee qaraxa lala beegsaday ayaa qaraxaas kadib waxay fureen rasaas aad u tiro badan, taasi oo aan la ogeyn cid wax ku noqotay, iyadoo kadibna ay Ciidamadu howlgallo ka bilaabeen Xaafadda Suuqa Xoolaha.

 

Dhanka kalena, Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa saaka waxay howlgallo ka wadaan Xaafado ku teedsan Wadada Warshadaha, iyadoo howlgalkoodana uu ku soo beegmayo xili habeenkii xalay ahaa Madaafiic hoobiyayaal ah lagu weeraray Xarunta Villa Somalia.

 

Howlgallada ay Ciidamadan sameynayaan ayaa waxay saameyn ku yeesheen Shaqaalaha Idaacadaha Horn Afrik iyo Capital Voice oo iyagu saaka geli waayay Xarunta Idaacaddaas oo ku taala meel aan u dheereyn Isgoyska Ifka Xalan ee Wadada Warshadaha, waxaana xaafadaha u dhowr Xarunta Idaacadahaas ku sugan Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah.

 

Ugu dambeyntiina, Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa had iyo jeer waxay sameeyaan howlgallo ay ammaanka ku sugayaan welina ma muuqdaan wax ay howlgalladaas soo kordhiyeen waayo waxaa maalin kasta Muqdisho ka dhaca Qaraxyo, Weerarro iyo Dilal loo geysanayo Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).