Arbaco,
Wiilkaan yar oo lagu magacaabo Cismaan Xalane Xasan ayaa wax gacmo ah laheyn, isla markaana ku dhashay gacmo la’aan waxaa intaasi usii dheer xanuun xoogan oo habeen iyo dharaar haya kaasoo dhaqaatiirka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku dhaqan aqoon waayeen waxa uu yahay xanuunkaan, iyagoo sheegay inaan wax looga qaban Karin xanuunka cunugaan yar gudaha dalka.
Ganacsato Soomaaliyeed iyo Shaqsiyaad uu ugu horeeyo Cabdifitaax Axmed Maxamuud ayaa waayadii ugu dambeeyay ku howl-lanaa sidii ay gargaar ugu heli lahaayeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan si howl caafimaad dibada loogu qaado cunugaan dhiban balse taasi ilaa hada ma suurta galin.
Hooyada dhashay wiilkaan oo ah hooyo aad u dhibaateysan dhinaca dhaqaalaha ayaa waxa ay idinka codsaneysaa cidii wax u awoodi karta wiilkaan yar iney gar gaar bani aadnimo usoo fidiyaan.
Hooyada wiilkaan dhasyay ayaa sheegtay ineysan heysan wax ay wiilkaan wax ugu qabato iyada iyo wiilkana ay isku kor dhibaateysan yihiin, waxeyna shacabka Soomaaliyeed ka codsaneysaa inay gargaar bani aadnimo usoo fidiyaaan.
Wiilkaan ayaa aabihiis geeriyooday, waxuuna ku jiraa xiligaan nolal adag, isagoo ay la dhasheen caruur fara badan oo dhamaantood agoon ah.
Wiilkaan ayaa hadda waxa uu ku sugan yahay Magaalada Hargeysa isaga iyo hooyadiis, kadib markii howlo caafimaad loo keenay halkaasi.
Wiilkaan ayaa maalintii ugu yaraan 17 saac oo ka mid ah 24-ka Saac ilmeynaya taasoo ah mid aad looga walaaco, lamana oga waxa haya ee ka oohinaya, dhowr baaritan ayaa lagula sameeyay magaalada Hargeysa balse dhaqaatiirta ayaa sheegeen inaan dalka wax looga qaban karin xiligaan, una baahan yahay gar gaar deg deg ah oo dibadeed.
Hadaba Walaalaha Muslimiinta ahow u gar gaara wiilkaaan dhibaateysan ee aan gacmaha laheyn.
Ciddii doonaysa inay Gargaar lacageed u soo diraan Wiilkaan gacmo la’aan ku dhashay ee dhibaateysan, waxaa laga codsanayaa inay ugu soo hagaajiyaan Cabdifitaax Axmed Maxamuud Tel: 0025224455566 Email: ugargaar@yahoo.com.
Abdifitahaam Ahmed
Borama,