Arbaco,
M/weynaha oo weftigan xalay la kulmay, waxay ka wada hadleen arrimo badan oo ay isla soo qaadeen. Warsaxaafadeed arrintaa ku saabsan oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Caddaani, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:
“Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu caawa (Xalay) qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi ka socda Dalka
Wefdigaasi oo booqasho gaaban ku soo gaadhay Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ka socdaan Shirkaddo ganacsiya oo ka tirsan Wadanka
Madaxweynaha JSL oo hadal kooban u jeediyay wefdiga Norway kulankoodii caawa (Xalay) dhex maray waxa uu si diiran u soo dhaweeyay Booqashada wefdigu ku yimaadeen Somaliland , isaga oo si weyn ugu rajeeyay wefdiga in mudada gaaban ee ay joogaan dalka ay indhahooda ku arki doonaan Somaliland horumarka ay gaadhay oo dhinacyo badan ah, gaar ahaan Nabada, Xasiloonida iyo Nidaamka dimuqraadiga ah ee ka hana qaaday Somaliland tan iyo intii ay Qaranimadeeda la soo noqotay.
Madaxweynuhu , waxa uu wefdiga u sheegay in caalamku had iyo jeer ay isku khaldaan
Madaxweynuhu, waxa kale oo uu wefdiga u sheegay in Somaliland ay gacma furan ku soo dhawaynayso shirkadaha danaynaya in ay Maal gashi ku sameeyaan dalka , iyada oo Somaliland hodan ku tahay waxyaabo fara badan oo ay ka mid tahay Batroolka, Gaasta iyo khayraad badan oo dabiici ah, waxana uu Madaxweynuhu uu u sheegay in ay Somaliland diyaar u tahay in ay ka faa’iidaysato khibrada iyo waayo aragnimada ay Norway u leedahay Wax soo saarka Saliida iyo Gaasta, isaga oo Madaxweynuhu ka waramay khibrada iyo waayo aragnimada ay Norway u leedahay arrimahaasi, taas oo uu indhihiisa ku soo arkay labadii jeer ee uu Booqashada ku tegay dalkaas.
Mr Jarand Rystad oo ka mid ahaa wefdiga , kana tirsan shirkadaha Saliidda Baadha , waxa uu isna halkaas ka sheegay in shirkadahoodu ay danaynayaan in ay u soo diraan Somaliland khubaro waayo aragnimo u leh Saliida iyo Macdanta Dabiiciga ah, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay maal gashadaan Mustaqbalka soo socda Jamhuuriyada Somaliland .
Waxaa kale oo uu Mr Rystad intaa raaciyay in meelaha kale ee ay danaynayaan ay ka mid tahay in dhalinyarada loo abuuro meelo ay ku qaataan tababarada Ciyaaraha, si ay ula hana qaadaan dalalka ciyaaraha wadamada Afrika, taas oo wax weyn ka tari doonta mustaqbalka Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan dhalinyarada iyo faca soo koraya.
Waxa iyaguna kulankaasi goob joog ka ahaa wakiilka
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeysa,