5.9 C
London
Friday, October 24, 2025

Xaaladda Magaalada Muqdisho oo degan iyadoo ay dib u bilowdeen Dhaqdhaqaaqyadii Dadka iyo Ganacsiga

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 31, 2007(HOL): Xaaladda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saaka degan, iyadoo ay dib u bilowdeen dhaqdhaqaaqyada Dadka iyo ganacsiga.

 

Ciidamo maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa Waddooyinka laga galo Suuqa Bakaaraha ayaan saakay halkaas joogin, waxaana la sheegay in ay Ciidamada xalay dib ugu laabteen fariisimadii ay markii hore ka soo baxeen.

 

Isgoysyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ahaa aag Ciidan ayaa saaka caadi ah, waxaana dib uga bilowday socodkii ay dadka  iyo Gaadiidka ku marayeen.

 

Sidoo kalena, Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo aan muddo afar maalmood ah furin goobahooda ganacsiga ayaa iyaguna sidii caadiga ahayd u shaqo tegay Suuqa Bakaaraha, iyadoo sidoo kalena gudaha Suuqa lagu arkayo

 

Deganaanta laga dareemayo magaalada Mqudisho ayaa waxay ku soo beegmeysaa xili ay maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ku dhawaaqeen in aaney jiri doonin wax dagaallo ah oo Muqdisho ka dhacaya, isla markaana ay dadka joojiyaan barakaca ay sameynayaan.

 

Sidoo kalena Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka aysan fasax u qabin in ay ka baxaan fariisimada ay ku sugan yihiin, iyadoo Maxamed Dheere uu amarkaas bixiyay kadib markii ay Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ku cawdeen in aaney ka shaqeysan karin Ciidamada Dowladda oo taagan waddooyinka laga soo galo Suuqa Bakaaraha.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).