Talaado,
Abaara
Lama oga ilaa iyo haatan cid Madaafiicdaas ku weerartay Xarunta Madaxtoyyda, hayeeshee waxaa loo maleynayaa in ay ka dambeeyaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya oo iyagu aalaaba weerarro ku qaada fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee Muqdisho ku sugan.
Kooxaha Weerarrada ku qaada Dowladda Federaalka Soomaaliya markii ay habeenno joogaanba waxay Madaafiic ku tuuraan Xarunta Villa
Dhawaan ayay ahayd markii Kooxaha Hubeysan ee weerarrada ku qaada Ciidamada Dowladda Federaalka ay dagaal ku qabsadeen Saldhigga Degmada Hodan, Isla markaana ay halkaasi ku gubeen Gaari ay lahaayeen Ciidamadii Dowladda ee halkaas ku sugnaa iyo weliba Saldhigga laftiisa.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe waxay tahay mid aan ammaan ahayn oo ay ku dagaallamaan Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo weliba kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo ay sii dheer yihiin weerarradaas dilal loo geysanayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Wixii warar ah ee ku soo kordha Dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






