13.7 C
London
Monday, October 27, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo ugu baaqay Maamullada Somaliland iyo Puntland in ay dagaalka joojiyaan, khilaafka u dhaxeeyana ay ka wada hadlaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 03, 2007(HOL): Qoraal saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya  Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa loogu baaqay Maamul Goboleedyada Somaliland iyo Puntland inay joojiyaan dirirta u dhexeysa ee ka socda Gobolka Sool.

 

Shiikh Aadan Madoobe ayaa qoraalkiisa ku sheegay in labada dhinac ee dagaallamaya ay tixgeliyaan dadka ku dhaqan deegaannada ay ku kor dagaalamayaan, isla markaana ay joojiyaan colaadda si xoogaysanaysa, ayna ku dhameeyaan khilaafkooda nabad iyo wadahadal.

 

“Dagaalladu waxay saameyn ku yeesheen dadka rayidka ah ee ku dhaqan goobaha lagu hardamayo, waxaan wanaagsan in la ogaado in dadka ay dhibaato ku qabaan dagaallada, sidoo kalena waxaa ka barokacay goobaha dagaalladu ay ka dhaceen dadweyne fara badan oo ka cararay agabkoodii oo dhan” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo ku boorriyay mar kale in dagaallada ay joojiyaan Maamul Goboleedyada ku dagaalamay deegaanno ka tirsan Gobolka Sool.

 

Labada dhinac ayuu ku adkeeyay Sheekh Aadan Madoobe inay dib u eegaan khilaafkooda, ayna si dhaqso badan ku joojiyaan colaadda, isagoo sheegay in wax nabad lagu heli waayay aan lagu heleynin colaad iyo dagaallo.

 

War-saxaafadeedkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo saarto dagaallo dhowr jeer ku dhex maray goobaha ay isku horfadhiyaan Ciidamada  Maamul Goboleedyada Puntland iyo Somaliland, iyadoo aan la garnayn sida uu dhaqangal ku noqon karo qoraal saxaafadeedka uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Ciidamo kala taabacsan maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa waxay in muddo ah isku horfadhiyaan deegaano ka tirsan Gobollada Sool iyo Sanaag oo ay dhowr jeer oo hore ku dagaalameen, iyadoo dagaalkoodana uu salka ku hayo gacan ku heynta Gobollada Sool iyo Sanaag.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka ku dhaqan Gobollada Sool iyo Sanaag ee ay gacan ku heyntooda ku dagaallamayaan Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa waxay si weyn u daneynayaan in ay ka madax banaanaadaan maamulladaas dushooda ku hardamaya, isla markaana ay yeeshaan nidaam labada dhinac ka madax bannaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).