Arbaco, October 03, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan ayaa saaka waxaa lagu sii daayay Xaafado dhowr oo Muqdisho ku yaala, iyadoo ciidamadan ay sameynayaan howlgallo ay guryaha ku baarayaan.
Xaafado ku teedsan Wadada Warshadaha oo ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid, Wardhiigley iyo Hodan ayay Ciidamadan Itoobiyaanka ah howlgallada ka sameeyeen, iyagoo sidoo kalena lagu arkay Xaafadaha u dhaxeeya Waddooyinka 30-ka iyo Wadnaha qeybta ka tirsan Degmada Wardhiigley.
Howlgalka ay Ciidamadan sameynayaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku jira Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga la weeraray, halka sidoo kalena weerar xooggan lagu qaaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo fariisin ku leh Xeradii Guul-wadayaasha ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kalena howlgalka ay sameynayaan Ciidamadan ayaa wuxuu kus oo beegmayaa iyadoo beryahan ay soo baxayeen warar sheegayay in sugidda ammaanka Magaalada Muqdisho lagu wareejin doono Ciidamo Itoobiyaan ah, iyadoo Ciidamada Dowladda Federaalkana la sheegay in la xareyn doono oo tababar loo furi doono.
Ugu dambeyntiina, Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan ayaa ilaa iyo haatan waxay ku guuleysan la’ yihiin in ay soo celiyaan Nabadgelyadii Muqdisho, iyadoo maalin kastana ay Magaalada ka dhacaan Qaraxyo iyo dilal loo geysanayo Dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






