5.9 C
London
Friday, October 24, 2025

Maxamed Dheere oo amar shaqo joojin ah ku soo rogay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 27, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa maanta wuxuu amar shaqo joojin ah ku soo rogay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Maxamed Dheere, waxaa uu sheegay in Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ay ku sifoobeen xil-gudasho la’aan, sidaas darteedna ay haatan wixii ka dambeeya ay howshoodii qabanayaan Guddoomiyayaasha Laamaha Degmooyinka, kuwaasi oo uu faray in ay howshooda qabsadaan.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere waxaa uu faray Guddoomiyayaasha Waaxada Degmooyinka Gobolka Banaadir inay diiwaangeliyaan Laamahooda, isla markaana ay guri guri ula socdaan, isagoo caddeeyay in la abaalmarin doono ciddii xilkeeda ka soo dhalaasha.

 

Maxamed Dheere oo ka hadlayay Seminaar loo qabtay Guddoomiyayaasha Waaxaha Gobolka Banaadir ayaa intaas ku daray  in waxa ay qaban karaan la tijaabinayo Guddoomiyayaasha Laamaha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo sida uu yiri sheegta in ay xiligii Dowladda la’aanta ka shaqeyn jireen Ammaanka Degmooyinkooda.

 

Amarka uu Maxamed Dheere shaqada uga joojiyay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ilaa Lix Guddoomiye Degmo Muqdisho lagu dilay, kuwaasi oo loo dilay sabab la xiriirta in ay ka tirsan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntiina, Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo haatan ka soo baxay dhinaca Guddoomiyayaasha Gobolka Banaadir, kaasi oo ku aadan sida ay u arkayaan amarka uu ku soo rogay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).