5.9 C
London
Friday, October 24, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka howlgallo ka wada qeybo ka mid ah Wadada 30-ka iyo Qaraxyo Ciidamadaas lagu weeraray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 27, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gawaarida gaashaaman ee dagaalka ayaa waxay howlgallo ka wadaan Wadada 30-ka qeybaha hoostaga Degmooyinka Hodan iyo Wardhiigley, iyadoo howlgalkaasina ay barbar socdaan qaraxyo lagu weerarayo Ciidamadaas.

 

Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo la sheegay in ay ka soo baxeen Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga  ayaa waxay ku sugan yihiin Isgoyska Black Sea, Al-Baraka, NBC iyo weliba nawaaxiga Warshaddii Caanaha, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaano ay ku sameynayaan guryaha iyo goobaha ganacsiga ee halkaas ku yaala.

 

Seddex ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay Ciidamadaas dileen kadib markii lala beegsaday qaraxyo xiriir ah oo loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro, wuxuuna haatan aaggaas yahay mid ay dadkii deganaa ka carareen si aysan waxyeello u gaarsiin Ciidamada Itoobiyaanka.

 

Goob-jooge ku sugan Xaafadda NBC ayaa HOL u sheegay in Daar Dabaq ah oo ku taala Isgoyska Al-Baraka ay Ciidamada Itoobiyaanka la fuuleen Qoryaha Darandooriga u dhaca, iyagoo jiho kasta rasaas u tuuraya.

 

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in ay aaggaas howlgalka ka bilaabeen kadib markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan ay saaka ku dagaallameen Xaafadaha NBC iyo Black Sea, kadibna ay Ciidamadii Dowladda dib ugu noqdeen xeradii ay ka soo baxeen.

 

Sidoo kalena, Howlgalka ay sameynayaan Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saaka aroortii weerar xooggan loo geystay Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, iyadoo weerarkaasina la sheegay in ay waxyeello ka soo gaartay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waa markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Itoobiyaan dibadda soo dhigtaan Gawaarida Gaashaaman ee dagaalka tan iyo markii laga soo gudbay Dagaalkii Muqdisho ka dhacay bilihii Maarso iyo April ee sanadkan xiligaas oo Ciidamada Itoobiya ay isticmaalayeen Gaadiidka Gaashaaman ee dagaalka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).