Kooxo hubeysan oo la wareegay gacan ku heynta Saldhigga Booliska Degmada Hodan
Sabti,
Dagaalka oo madaafiicda la isugu adeegsanayo laga maqlayo inta badan Xaafadaha Muqdisho ayaa wuxuu ka socdaa Xaafadaha Al-Baraka, NBC iyo
Dadka ku dhaqan Xaafadaha ay dagaalladu ka socdaan ayaa bilaabay in ay guryahooda ka qaxaan, si ay uga badbaadaan waxyeello ka soo gaarta Rasaasta iyo Madaafiicda ay labada dhinac isku ridayaan.
Dhanka kalena, Kooxo hubeysan ayaa waxay xoog kula wareegeen gacan ku heynta Saldhigga Booliska Degmada Hodan, kaasi oo wararka naga soo gaaraya ay sheegayaan in ay haatan ku sugan yihiin Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dad degan agagaarka Saldhiga Degmada Hodan ayaa HOL u sheegay in ay arkeen Dad wata Albaabadii iyo Dariishadihii iyo weliba Dharkii iyo Raashinkii ay isticmaalayeen Ciidamadii Dowladda ee Saldhiggaas ku sugnaa, kuwasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn meel ay aadeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Xaafadaha Al-Baraka, NBC iyo Black Sea ayaa sheegaya in ay halkaas dib uga laabteen Ciidamadii Itoobiyaanka ee dagaalka kala soo horjeeday Kooxaha hubeysan, waxaana hadda xaafadahaas isugu soo baxay Dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ka dhan ah Ciidamada Itoobiyaanka.
Wixii ku soo kordha Dagaalka Muqdisho ka socda kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






