Sabti,
Maxamed Cumar Deelle waxaa uu sheegay in ay Shacabka u sheegayaan in aan la ogolaan doonin in gudaha Magaalada Jowhar wax hub ah lagu qaato, isla markaana ciddii la arko iyadoo hub wadata lagala wareegi doono, haddii qofkaas isku dayo in uu dagaalamana lagu dili doono hubka uu wato.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa uu u sheegay shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar in ay hubkooda guryaha ku heystaan, isla markaana aysan dibadda ula soo bixin, isagoo farta ku fiiqay in sugidda ammaanka guud ahaan Gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaana Magaalada Jowhar loo xil saari doono Ciidamo gaar ah.
“Dadweynaha Magaalada Jowhar iyo hareeraheeda waxaan ogeysiineynaa in Nabadgelyadii xumaatay maalmahan tallaabo adag laga qaadayo, waxaana u sheegeynaa qof kasta oo hub wata in lagala wareegi doono, sharcigana la hor geyn doono” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ugu baaqay Dadka Jowhar in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka sugi doona.
Magaalada Jowhar ayaa dhawaanahan waxaa ku soo badanayay Kooxo hubeysan oo dadka ka qaata Taleefoonnada Gacan-qaadka ah, iyadoo taasina sabab looga dhigayo Maamulka ka taliya Gobolka Shabeelaha Dhexe oo aan xil iska saarin Sugidda Ammaanka Jowhar oo hagaagsanaa xiliyadii ay talada gobolka hayeen Maamulkii Maxamed Dheere iyo midkii ka dambeeyay ee Maxkamadihii Islaamka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, hadalka uu maanta sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Deelle ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo habeen hore gudaha Magaalada Jowhar ay kooxo hubeysan ku dileen nin ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamed C/llaahi Fanax, iyadoo ka sii horna ay gudaha magaalada ka jireen falal nabadgelyo darro ah oo ay haatan madaxda maamulkaas qirayaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






