Sabti, October 27, 2007(HOL): Habeennimadii xalay abaara saacaddu markey ahayd 9:45pm ayaa kooxo aan la aqoonsan waxaa ay weerar ku qaadeen Guriga uu ka tagan yahay Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne Abaanduulaha Ciidamada Gobalka Hiiraan C/raxmaan Shiikh Ibraahim waxaana sida la xaqiijiyay weerarkaasi ku dhaawacmay Qof dumar ah oo ku sugneyd Guriga Abaan-duulaha iyo Wiil dhalanyaro ah oo ka ag-dhawaa halka weerarku ka dhacay.
Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed) oo ka hadlay weerarka lagu qaaday Abaanduulaha Ciidamada Gobalka Hiiraan C/raxmaan Shiikh Ibraahim ayaa sheegay in uu qeyb ka yahay sida uu hadalka u dhigay falalka kooxaha Arga-gixisada ah ku u gaarsanayaan shaqsiyaadka muhiimka ah laakiin waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in hadda Col. C/raxmaan Shiikh Ibraahim uusan wax xil ah ka heyn Gobalka Hiiraan.
Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee lagu qaado Col. C/raxmaan Shiikh Ibraahim waxaana uu sidoo kale ku soo Beegmayaa xili labo maalmood uun ka hor Miino loo dhigay Xaafadda howl-wadaag gaari ay la socdeen Ciidamada Dowlada Federaalka, kaasoo ay ku geeriyoodeen labo ka tirsan Ciidamada Dowladda, halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen.
Qaraxyada iyo is-rasaaseyta xiliyada habeenkii ah laga maqlo xaafado ka tirsan Magaalada Beledweyne ayaa ah kuwo si weyn isku soo taraya, waxaana dhanka kale aan meesha ka marneyn kooxo burcad ah oo xiliga habeenkii Dad Rayidka ah ka qaata waxyaabaha ay sitaan sida Mobile-lada Gacanta, waxaana arrimahaa lagu eedeynayaa in ay ku lug leeyihiin Ciidamada Dowladda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






