Sabti,
Dagaalkaas oo ahaa mid si kedis ah ku bilowday ayaa la sheegay in uu dhexmaray Ciidamada Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Kooxo Maleeshiyooyin ah oo maamulka Gobolka ka soo horjeeda.
Dagaalka oo ay soo qaadeen maleeshiyooyin ka soo horjeeda Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Buulo Jaan ee Degmada Marka, iyadoo kadibna uu dagaalka u wareegay dhinaca Deegaanka Buufow kadib markii dib loo riixay kooxihii weerarka ku soo qaaday Ciidamada Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Cali Aadan Cali Ganey ayaa sheegay in kooxaha weerarka ku soo qaaday ay yihiin kuwo ka soo horjeeda maamulka ay Dowladda Federaalka u magacawday Gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay yihiin kuwo aan u dhalan gobolka oo ka soo jeeda Gobollada Bay, Banaadir, Jubbooyinka iyo Gedo.
Wuxuu sheegay Taliyaha in ay kooxahaas Maleeshiyooyinka ah ay horkacayaan Saraakiil ka falaagoobay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo sida uu yiri weli heysta hubkii ay Dowladda Federaalka siisay.
“Waxba kama jiraan sheegashooyinka ay ka imaanaya kooxahaas ee sheegaya in mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka ay yihiin kuwo aan u dhalan Shabeelaha Hoose, warkaas waxba
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Tan iyo markii la magacaabay Maamulka ka taliya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa sii kordhayay falal nabadgelyo darro ah oo ay geysanayaan Kooxo maleeshiyooyin ah oo maamulkaas ka soo horjeeda, iyadoo la xusuusan yahay in ay dhowr jeer gudaha Magaalada Marko ka dhaceen weerarro lagu qaaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Gobolka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






