Sabti,
Dagaalka ayaa markii hore ka bilowday Saldhigga Booliska Degmada Howl-Wadaag oo ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sugnaayeen, wuxuuna kadib dagaalka ku faafay Wadada Wadnaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Bakaaraha iyo Aadan Cadde.
Dagaalka oo habeen dhacay dartiis ayaan la ogeyn khasaaraha uu geystay, waxayse wararka laga helayo Isbitaallada Muqdisho ay sheegayaan in ay jiraan dad rayid ah oo dagaalkaas ku dhaawacmay, kuwaasi oo ay guryahooda ugu gashay rasaastii ay labada dhinac isku ridayeen.
Dagaalka oo bilowday abaara
Weerar kale oo xooggan ayaa kooxo hubeysan waxay saaka ku qaadeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, iyadoo weerarkaasina uu sababay dhaawaca Askari ka tirsan Ciidamada Itoobiya iyo weliba qof kale oo rayid ah.
Weerarkaas kadib ayay Ciidamada Itoobiyaanka ah toogteen Nin ganacsade ah oo goob ganacsi ku lahaa agagaarka Isgoyska Cali Kamiin ee Degmada Wardhiigley, kaasi oo ay si bareer ah u toogteen Ciidamada Itoobiyaanka. Ciidamada Itoobiyaanka ah ee la weeraray ayaa markaas kadib waxay howlgallo ka bilaabeen Xaafadaha u dhow Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo weliba Xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigley oo Waqooyi kaga toosan Wadada Wadnaha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






