Sabti,
Degmaayinka Maxaas, Moqokori, Buula-burte, Halgan, iyo waliba deegaanada ku dhaw dhaw Magaalada Beledweyne ayaa Ayaxu dhamaanba dhulka dhigay dalagii Beeraha ee ku yiilaya, sida uu sheegay Gudoomiyaha Degamada Buula-burte C/siis Duurow oo la halayay HOL.
Dhul ku dhirirsan 90 km oo ayaa hada ah kuwa aan waligood la beerin marka laga reebo meelaha qaar oo sida loo xaqiijiyay HOL ay ku sii danbeeyaan Gadihii beeruhu ku yiileen oo aan wax caleen ah laheyn, Gudoomiyaha Degmada Maxaas Aadan C/dule Cawaale ayaa sheegay in Suubo, Muuse Geel, Ooman iyo Libida Gaabow, dhamaantood yihiin kuwo aan wax geed ah ku ool waxaana uu intaa ku daray in halkaa ay ku hanti ku dhawaad 500 oo Qoys oo sanadkan filayay in ay u soo go’aan dalag-yadii ay ku dhigteen Beeraha.
Wararkii ugu danbeeyay ee soo gaaraya HOL ayaa sheegaya in Tuulada Helo-buulo oo wax ka yar 6km u jirta Magaalada Beleweyne Ayaxu ku dagan, waxaana wararku intaa ku darayaan in dhamaanba beeraha ay ku fadhiyo Ayaxan Guuraya ay adag tahay in aad u dhawaato cabsi awgeed.
Dadka iyagu arkan Ayaxa ayaa kuu sheegaya in uu ku duulayo dhul dhan 15Km oo dheerar ah, waxaana ay intaa ku darayaan in marka uu dulmarayo Ayaxu dhulka dhulku noqonayo mid mugdi ah oo Qoraxda ka qarsoon.
Marka dib loo eego Taariikhda waa mudo haatan laga joogo 40 sano Deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan lagu arkay Ayax lakiin marka dhan laga eego ka Tiro yar kan hada ku habsaday deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan.
Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in ay adag tahay wax ka qabshada qeylo dhaanta ka soo baxeysa dadka dhibaatada Ayaxu gaartay, waxaana uu intaa ku daray in Hay’adaha arimihan ku shaqada uu ka codsano in wax laga qabto inta qasaaruhu ka sii badan halka hada uu marayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






