
Jimco,
Xafladaan oo ay kasoo qeyb galeen 71 ruux oo isku jira Ganacsatada gobalka Awdal, Aqoonyahano, Dhaqaatiir, Injineero, Culumaa’udiin, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobalka Awdal ayaa loogu hadlayay qaabkii loo dhisi lahaa wadada u dhaxeysa magaalooyinka Dilla iyo Borama ee gobalka Awdal.
Xafladaan oo qaban qaabadeed lahaa gudiga dhawaan gobalka laga hirgaliyay oo lagu magaabo ARNA (Awdal Road Network Association) kaasoo ka shaqeyn doonaa qaabkii loo dhisi lahaa wadadaan burburka xoogan soo gaaray.
Ugu horeyn waxaa ka hadlay Guddoomiyaha ARNA Cabdi Maxamuud Muuse waxa uu sheegay inay muddo soo wadeen howshaan xasaasiga ah isla markaana hadii laga mira dhaliyo uu horumar weyn gaari doono gobalka.
“Wadooyinka waa sheyga kaliya ee adduunka uu ku kala hormaray dal kasta oo aduunka ku yaala waxuu ku dadaalaa sidii uu dhisan lahaa wadooyinkiisa” ayuu yiri Cabdi Maxamuud Muuse
Waxa uu sidoo kale sharaxay qeybo kala duwan oo uu lahaan doono ururkooda ka shaqeynaya dhismahada wadada isla markaana uu isaga muddo lix bilood oo kaliya heyn doono xilka kadibna ay dhici doonto doorasho qof kale lagu soo dooran doono.
Waxa uu sheegay inay xaalada wadada iminka gacanta u gashay bulshada gobalka Awdal ayna waajib tahay inay bulshada iyaga oo iskaashanaya dhistaan wadadaan si uu horumar xoogan gobalka u helo.
Waxa uu carabka ku dhajiyay in fakirkaan uu lahaa Maamulaha Shirkada Telesom ee gobalka Awdal C/qaadir Aadan Nuur oo uu xusay inuu yahay nin mar walba u fakira una riyooda horumarka gobalka kana danqada dhibaatada gobalka.
Waxa uu yiri C/qaadir marka uu arintaan ku riyooday ayuu inoo soo bandhigay si aan ula rumeyno riyadiisa, maanta waan arkaa inaysan xafladaan cid mas’uul ah oo gobalka ka tirsan ka maqneen waxaana filyaa dhamaanteen inaan wada rumeyn doono riyadaan wanaagsan ee horumarka gobalka ah.
Qudbadahii halkaasi maanta laga jeediyay oo aad u badnaa ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo kamid ah suldaana gobalka Awdal waxa uuna sheegay in riyadaan C/qaadir Aadan Nuur uu ku riyooday ay isaga la tahay riyadii ugu wanaagsadeen ee qof gobalka ka tirsan abid ku riyooda.
Waxa uu sheegay haddii ay yihiin Caaqilada ,Cuqaasha, iyo Waxgaradka Beelaha gobalka dega inay habeen iyo dharaar usoo jeedi doonaan sidii wadadaan bulshada oo iskaashatay ay u dhisan laheyn.
“Qeybta baraarujinta ayaynu ku jirtaa ururkaan cusub ee gobalka laga hirgaliyay ee ka shaqeynaya dhismahada wadadaan” ayuu yiri Suldaanka.
Waxa uu xusay in gobalka Awdal uu yahay gobalka dhinaca wadooyinka agoon ka ah isla markaana laamigii laga soo bilaabay Kismaayo shishadeeda uu ku eg yahay magaalada Dilla taasina ay kaliftay inuu gobalka waxyaabo badan oo horumar ah oo ku taahmayo is hortaagto.
Waxaa isna ka hadlay kulankaan Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jowhar oo aad ugu dheeraaday qiimaha ay leedahay dhismahada wadadaan, isagoo ku baraarujiyay gudigaan inay dhexda u xirtaan ka mira dhalinta howshaan xoogan ee gobalka ku aadan.
Waxaa ugu dambeyn xaflada soo gaba gabeeyay Guddoomiyaha gobalka Awdal Max’ud Sheekh Cabdilaahi Cige oo ku dheeraaday taariikh burburka wadada isku xirta Dilla iyo Borama, waxuuna yiri “Reer Awdal waxaa lagu xantaa inay kasaan balse ay karin, waxaana maanta aan cadeyneynayno inaan Kasno oo aan kari karno”.
Waxa uu sheegay in riyadaan C/qaadir Aadan Nuur uu ku riyooday ay tahay tii ugu faa’iidada badneed oo uu maqlo, balse waxuu ugu baaqay inuu rajaynayo inay tani faa’iido u noqon doonto cid kasta oo gobalka ka soo jeeda meel kasta oo ay adduunyada ku sugan tahay.
Waxaa intii uu socday kulankaan looga dhawaaqay gudiyo kala duwan oo ka shaqeyn doona dhismada wadaan, iyadoo Borama laga hirgaliyay xafiis uu lahaan doono ARNA iyo howl-wadeeno ka shaqeyn doona intaba.
Jaaliyadaha gobalka u dhashay ee caalamka ku nool ayay ka codsadeen dhamaan mas’uuliyiintii maanta ka hadashay xaflada inay ka shaqeeyaan qaabkii ay wadada gobalkooda.





Gudiga ganacsatada Board-ka Ururka ARNO
Cabdi Maxamuud Muuse Guddoomiye
C/qaadir Aadan Nuur Guddoomiye K/xigeen
Maxamed Cali Cismaan Xoghaye
Ismaaciil Cabdi Riiraash Treasury
Cabdilaahi X. Ciise Maxamuud
Maxamed Nuur Faahiye
Abubakar Xuseen Meecaad
Muumin Jaamac Samaale
C/laahi Jaamac Cumar
Cumar Axmed Shirdoon
Muuse Camir Kaahin
Xasan Geeddi Barre
Qalin Seed
Saynab X. Axmed Miisaan
Aaamin Boobe
Taageerayaasha Madaalayaasha Ah
Sheekh Cabdilaahi Sheekh
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar
Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal
Suldaan Baade Xasan Xadi
Xaaji Axmed Miisaan
Cabdi Xasan Tukaale
C/casiis X. Abubakar Cumar
Maxamed Cawaale Riijan
X. Jaamac Qumane
Dhamaan intii maanta ka soo qeyb gashay xafladaan ayaa balan qaaday inay habeen iyo dharaar ka shaqeyn doonaan qaabkii ay wadadaasi u dhisan lahaayeen iyagoo aan dowlad kaashan oo kaligood gacmaha is qabsada.
Abdifitahaam Ahmed
Borama,






