10.7 C
London
Friday, October 24, 2025

Maxbuus Xalay ku geeriyooday Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, October 26, 2007(HOL): Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo ay ku xiran yihiin Maxaabiis aad u badan oo laga soo qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah oo maxaabiistaas ka tirsanaa.

 

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Avv. C/llaahi Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in Mahad Xasan Cusmaan oo 26 jir ah uu xalay 10-kii Habeennimo ku geeriyooday Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, isagoo farta ku fiiqay in maxbuuska uu ahaa xukun-suge.

 

Avv. Jimcaale waxaa uu intaas ku daray in Marxuumka oo muddo 4 bilood ah ku xirnaa Xabsiga dhexe uu ku eedeysnaa Qodobada 27aad iyo 34aad ee Xeerka Nabadgelyada Guud iyo 480 Xeer Ciqaabta Soomaaliyeed, hayeeshee uu geeriyooday intii aan xukun lagu ridin.

 

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Avv. C/llaahi Maxamed Jimcaale waxaa uu intaas ku daray in meydka marxuumka ay u direen Isbitaalka Madiina, si loo ogaado wixii uu u geeriyooday, isagoo caddeeyay in marka la baaro kadibna la aasi doono.

 

Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa ku xiran maxaabiis tiro badan oo laga soo qabtay Xaafadaha Muqdisho, kuwaasi oo aan heysan xuquuqdii ay u lahaayeen in ay helaan sharci damaanad qaadaya Xaqooda oo uu ugu horeeyo xaqa ah in aaney muddo 24 saac ka badan xabsi ku jirin xukun la’aan.

 

Laakin geerida ku timid marxuumkan ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo la bilaabay in  la sii daayo maxaabiista ku xiran Saldhigyada Muqdisho iyo Xabsiga Muqdisho kadib markii uu Guddiga Ammaanka Qaranka soo saaray amar ah in Maxaabiista u xiran Dowladda Federaalka si deg deg ah Maxkamad loo geeyo, isla markaana kuwii dembi yeesha la xukumo, halka kuwii lagu waayana ay xaq u leeyihiin in la sii daayo.

 

Ugu dambeyntiina, Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo aan wax dayactir ah helin tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii Dowladdii hore ayaa waxaa ku jira Maxaabiis u badan kuwo loo soo xiray tuhun la xiriira in ay ka soo horjeedaan Dowladda Federaalka Soomalaiya, inkastoo labo jeer oo hore uu Madaxweyne C/llaahi Yuuusf xabsigaas ka sii daayay Maxaabiis tiradooda ku dhowdahay 100 Maxbuus.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).