Jimco,
Nin Ganacsade ah ayaa Kooxo hubeysan waxay xalay ku dileen Xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar, xili uu marxuumka ku sugnaa gudaha Dukaan uu xaafaddaas ku lahaa.
Marxuumka ayaa la sheegay in ay u yimaadeen 3 Nin oo ku hubeysnaa Qoryaha Ak47, isla markaana ay ku amreen in uu soo dhiibo Mobile uu lahaa, hayeeshee uu marxuumka amarkaas ka dhego adeygay, kadibna uu mid ka mid ah Raggii hubeysnaa uu rasaas ku furay, sidaasna uu ku geeriyooday.
Lama oga in marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed C/llaahi Fanax loo dilay sabab la xiriirta in
Magaalada Jowhar ayaa dhawaanahan waxaa ku soo badanayay Kooxo hubeysan oo dadka ka qaata Taleefoonnada Gacan-qaadka ah, iyadoo taasina sabab looga dhigayo Maamulka ka taliyaha Magaalada Jowhar oo aan xil iska saareynin Sugidda Ammaanka Jowhar oo hagaagsanaa xiliyadii ay talada gobolka hayeen Maamulkii Maxamed Dheere iyo midkii ka dambeeyay ee Maxkamadihii Islaamka.
Dhanka kalena, Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay kooxo hubeysan toogteen.
Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Cusmaan Xaaji ayaa waxaa dilkiisa xaqiijiyay Taliyaha Ciidamada Booliska Degmada Afgooye Col. Maxamed Aadan Galgalow, kaasi oo sheegay in ay baaris ku hayaan ciddii ka dambeysay dilka marxuumka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






