Jimco,
Xafladda oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka socday Shirkadda Isgaarsiinta NationLink, Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed Kubadad Cagta, Kooxda Xulka Qaranka Kubadda Soomaaliya iyo marti sharaf kale.
C/kariin Dilaxow iyo C/llaahi Cali Caamir oo u hadlay Shirkadda Isgaarsiinta NationLink ayaa waxay sheegeen in Shirkaddooda oo u taagan isku xirka Dadweynaha ay ka qeyb-qaadaneyso horumarinta Isboortiga Soomaaliya, iyagoo caddeeyay inay abaal-marin siinayaan ciyaartoydii ka soo qeybgashay Tartankii Bariga iyo Bartamaha Afrika ee dhawaan lagu qabtay Dalka Burundi, sidoo kalena ay abaal-marin doonaan ciyaartoy dhawaan u amba baxeysa dalka Jabuuti.
Seddex Ciyaartoy oo ka tirsan Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’dooda ka hooseyso 17-ka sano, isla markaana ka soo qeybgalay Tartankii Bariga iyo Bartmaha Afrika ayay Shirkadda NationLink guddoonsiisay min Hal Taleefoon oo Mobile qaali ah, Kaarka Hadalka iyo weliba Boqol Daqiiqo Ciyaartoygiiba.
Maxamed Cabdi Caseyr ayaa lagu abaalmariyay dadaal dheeraad ah oo uu sameeyay in uu ka qeybqaadanayay tartankaas, sidoo kalena C/naasir Maxamed Cali ayaa lagu abaalmariyay Goolal uu dhaliyay in uu tartanka ka qeybqaadanayay, halka Badri Macallin Cali isna lagu abaal-mariyay in uu ahaa ciyaaryahan asluub wanaag la yimid intii uu ciyaarayay.
Mas’uuliyiinta u hadlay Shirkadda Isgaarsiinta NationLink waxaa ay sheegeen in ay sidoo kale abaalmarinno siin doonaan Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee dhawaan la ciyaari doona Xulka Qaranka Dalka Jabuuti, iyagoo kula dardaarmay ciyaartoyda in ay dadaal dheeraad ah muujiyaan, ayna sare u qaadaan Magaca Qaranka Soomaaliya oo ay metelayaan.
Xafladdaas waxaa sidoo kale ka hadlay Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cabdi Qani Saciid Carab, kaasi oo ciyaartoyda kula dardaarmay in ay karti dheeraad ah la yimaadeen, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo lid ku ah shuruucda ciyaaraha heer caalami iyo heer gobol.
Sidoo kalena, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Saciid Maxamuud Nuur (Saciid Muganbe) oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayo sidii uu u hormari lahaa Isboortiga Soomaaliyeed, wuxuuna mahadcelin u jeediyay Shirkadda Isgaarsiinta NationLink oo uu mahadceliyay abaal-marinnada niyad-dhiska ee ay siineyso Ciyaartoyda Soomaaliyeed, “Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Ciddii Qalin ugu deeqda ma iloobi doono, wuuna u gudi doonaa ciddii abaal u gashay”ayuu yiri Saciid Muganbe.
Ugu dambeyntiina, Xulka Qaranka Kubadad Cagta Soomaaliya ayaa dhawaan waxay ciyaaro ka tirsan is-reeb reebka Koobka Adduunka ee 2010 lagu qaban doono Dalka Koofur Afrika la yeelan doonaa Xulka Qaranka Dalka Jabuuti, iyadoo labo is-arag oo ay labada Xul yeelan doonaan ay dhamaantood ka dhici doonaan Dalka Jabuuti, bacdamaa aanu dalka Soomaaliya xiligan u diyaarsaneyn in uu martigeliyo ciyaaro heerkaas oo kale gaarsiisan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






