Jimco,
Ra’iisal Wasaare Geeddi oo isagoo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in uu la socday in Biraha duugga ah ee laga soo uruuriyo gudaha Dalka Soomaaliya ay doofsato Shirkad Ganacsi oo codsi ula timid Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Prof. Cali Maxamed Geeddi waxaa uu sheegay in aysan sax ahayn in Qalab ay leedahay Dekedda Muqdisho ay Dad gaar ah dhoofsadaan, wuxuuna caddeeyay in aysan waxba ka jirin in ay ogolaashahaas bixiyeen.
Hadalka Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Mareeyaha Dekedda Muqdisho Cabdi Jiinow uu sheegay in Biraha laga rarayo ay yihiin kuwo ay ogolaadeen Madaxda sare ee Dowladda Federaalka, kadib markii ay u tageen ganacsato Soomaaliyeed oo Dowladda Lacag Deyn ah ku yeeshay.
Sidoo kalena, Hadalka Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd ay Gobolka Banaadir hareysay qeylo-dhaan ku saabsaneyd in Biro yaala Gudaha Dekedda Muqdisho loo rarayo Deegaanka Garacad oo ka tirsan Deegaanada Puntland, iyadoo ay qeylo-dhaantaasna soo saareen Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, Odayaasha Dhaqanka Dir Koofureed iyo weliba Haweenka Gobolka Banaadir.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Markii ay soo baxday qeylo-dhaanta lagu dalbayo in la joojiyo dhoofinta birahaas ayaa waxaa saaka Dekedda Muqdisho tegay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Saraakiil ka socday Ciidamada AMISOM ee gacanta ku haya Dekedda Muqdisho, kuwaasi oo bixiyay amar ah in la hakiyo dhoofinta Birahaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






