Jimco,
Ahmedou Ould Abdallah oo Diblumaasiyiin kula hadlayay Magaalada Nairobi ayaa sheegay in qalalaasaha ka dhex jira Dowladda Federaalka uu yahay mid aan wanaagsaneyn oo sii kordhinaya dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in qalalaasaha ka dhex jira Dowladda Federaalka uu yahay mid aanan caawineynin dadka Soomaaliyeed, isla markaana beesha Caalamka ka dhigaya mid aan dan ka gelin Soomaaliya.
Ergaygan ayaa hadalkan jeediyay kadib socdaal uu ku tegay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kula soo kulmay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo Dalka Soomaaliya ay Ciidamo ka joogaan, arrimaha Soomaaliyana si gaar ah ula socda.
Baaqa uu ergaygan u jeedinayo Madaxda Dowladda Federaalka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, kuwaasi oo khilaafkooda uu saameeyay Mudanayaasha Baarlamaanka oo hataan bilaabay in ay labada mas’uul la kala saftaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xal loo helo Khilaafka ka dhex taagan madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa ilaa haatan isku dayaya Dalalka Itoobiya iyo Sacuudiga, waxaana la filayaa in Dowladda Sacuudiga ay dhawaan kulan u qabato Seddexda Mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






