Jimco,
Qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa waxay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf la qabaan in Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Geeddi uu ka dhamaaday waqtigii loogu talagalay in ay ku soo diyaariso Dastuurka Fedeaalka, halka Xildhibaano kalena ay Ra’iisal Wasaare Geeddi la qabaan in aan weli la gaarin waqtigii loo qabtay Xukuumadda in ay ku soo diyaariso Dastuurka.
Kala qeybsanaanta Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa waxay banaanka u soo baxday kadib markii shalay Xildhibaano tiradooda ka badan tahay 100 Mudane ay kaga dhawaaqeen Magaalada Baydhabo in ay difaaci doonaan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, iyadoo Xildhibaannadaasna ay hormuud u yihiin Xildhibaan C/llaahi Shiikh Ismaaciil, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Salaad Cali Jeelle, Mowliid Macaani iyo kuwo kale.
Sidoo kalena Xubno Xildhibaano ah oo Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Geeddi ka tirsanna waxay ku doodayaan in Ra’iisal Wasaare Geeddi looga fadhiyo in uu istiqaalo geeyo Baarlamaanka bacdamaa sida ay yiraahdeen ay Wasiirro gaaraya 24 Wasiir ay Baarlamaanka u gudbiyeen qoraal ay ku dalbanayaan in ay Xukuumadda Baarlamaanka kalsooni weydiisato.
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Ismaaciil Cabdi Giir oo Wasiirradaas ka mid ah ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Xukuumadda ay codka kalsoonida weydiisato Baarlamaanka, “haddii uu Baarlamaanka codka kalsoonida siiyo Xukuumadda Prof. Geddi waa ay jireysaa, annaga waan jireynaa, haddii ay codka kalsoonida weysana Xukuumad cusub ayaa la soo dhisi doonaa”ayuu yiri Cali Ismaaciil Cabdi Giir.
Kala qeybsanaanta u dhaxeysa Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay cirka ku sii shareereysaa khilaafka u dhaxeeya madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, kaasi oo haatan maraya in dalal Dibadda ah ay soo farageliyaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Haddii uu Baarlamaanka Soomaaliya xal u waayo khilaafka salka ku haya qodobo ku jira Dastuurka oo qolaba ay si u macneysaneyso ayaa waxay ahayd in loo gudbiyo Maxkamadda sare ee Dalka, balse waxaa xabsi ku jira Guddoomiyihii Maxkamaddaas Dr. Yuusuf Cali Haarruun, kaasi oo isagoo xabsi ku jira xilka looga qaaday Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






