9.3 C
London
Saturday, October 25, 2025

Maxaad kala socotaa Muuqaallada ay leedahay Magaalada Hargeysa iyo Dib u Dhiska ka socda?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 25, 2007(HOL): Tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay Madax-bannaanideedii kala soo noqotay Koonfurta Soomaaliya, oo ay 1-dii July 1960-kii Midow bilaa shuruud ah la gashay, oo ahayd 18 May 1991-kii, waxa Magaalooyinka waawayn ee Somaliland, gaar ahaan Magaalo-madaxda Hargeysa, ka socday dib-u-dhis maalinba-maalinta ka dambaysa isa soo tarayay. Kaas oo badi ay maalgashadeen Muwaadiniinta reer Somaliland ee ku sugan dalka dibeddiisu.

 

Guud ahaan dhismayaasha Magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan kuwa Hargeysa, ayaa nooc kasta oo ay yihiinba waxa saameeyay oo dhulka la simay dagaalladii kala dambeeyey ee ka dhacay dalka. Hase ahaatee, waxa inta ugu badan amaba xoogga Dhismayaashani ay burbureen intii uu socday dagaalkii ay Ururkii SNM kula jiray Xukuumaddii M/weyne Siyaad Barre. Kuwaas oo dhibaatada iyo waxyeellada la qabay guud ahaan Shacabkii iyo Maatidii ay dhibtu soo gaadhay, balse aan iyaga loo aabo yeelin  Masaajid, Guri xaas. mid dheer iyo mid gaaban toona.

 

Marka laga hadlayo dib-u-dhis dabcan ma fududa hawshaasi, waxaanay u baahan tahay in ay salka ku hayso dhaqaale badan, maadaama hawshaasi tahay mid aan dulqaadkeeda lahayn in agabka suurtogalinaya dhismahani uu kala go’o amaba hakad galo. Sidaasi awgeed, waxa muwaadin kastaa u tafa-xaytay sidii uu hanti ma guurto ah uga soo dhisan lahaa Magaalo-madaxda Hargeysa iyo Magaalooyinka kale ee dalka.

 

Marka laga yimaaddo hirgelinta Dhisme, sida Guri la galo amaba mid Ganacsi, waxa iyana xusid mudan in qof kasta oo ka mid ah dadyowga dhisanaya Guryuhu, uu tartan ugu jiro sidii uu dhismihiisu u noqon lahaa midka ugu dheer amaba ugu bilic wanaagsan Dhismayaasha Magaalada. Taasina waxay suurto gelisay in dhismayaasha Magaaladu ay noqdaan badi kuwo dhaadheer amaba Fooqaq ah (Flats). Isla markaana aad loogu faro-yaraystay oo Farshaxan leh.

 

Kaliya maaha dhismayaasha laga dhisayo Magaalooyinka Somaliland, balse waxa Dhismaha Guryaha nooc kastaba ha ahaatee, dhinac socda dhisidda Goobaha lagu cibaadaysto ee Masaajiddada, iyada oo loo dhisayo qaabka ugu casriyaysan. Waxaana ka mid ah Masjidka Cali Mataan oo ka kooban saddex Dabaq. Taasina waxay daah-furaysaa sida bulshada reer Somaliland, gaar ahaan kuwa reer Hargeysa ugu heellan yihiin horumarinta Goobaha lagu cibaadaysto.

 

Isku soo wada duuboo, ololaha dib-u-dhiska dalka ayaa ah mid ay u dhan yihiin guud ahaan Shacabka reer Somaliland, gaar ahaan ganacsatada waawayn iyo dadka dibadaha ku maqani.






Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online

kaariye104@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).