Khamiis,
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Caddaani, waxa kulankan Madaxweynaha ku weheliyay raxan ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland. Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirnaina wuxuu u dhignaa sidan;
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu Maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefdi ka socda Dawlada Faransiiska oo booqasho gaaban ku yimid
Wefdigaasi oo ka kooban Shan qof waxa ka mid ah Safiirada Dawlada Faransiiska u fadhiya Wadamada Nayroobi iyo Jabuuti .
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin hadal soo dhawayn ah oo uu wefdiga u jeediyay waxa uu ku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada wefdiga Faransiisku ku yimaadeen Somaliland , isaga oo sheegay in Dalka Faransiiska iyo Somaliland xidhiidh soo jireen ah uu ka dhaxayn jiray tan iyo dagaalkii labaad ee dunida , sidaa darteed Shacbiga Somaliland ay ka filayaan in Dawlada Faransiisku ay dhinacyo badan oo horumarka ah ay ka taageerto Jamhuuriyada Somaliland.
waxa kale oo uu madaxweynuhu soo qaaday in Shirkadii ugu horeysa ee maal gashata
Waxa kale oo uu madaxweynuhu sheegay in Dawlada Faransiisku ay gacan ka siisay Somaliland shirkii lagu dhisay Qaranimada JSL ee Lagu qabtay Magaalada Boorame sanadkii 1993-kii, hase yeeshee mudadii ka dambaysay wax kaalmo ah aanay Faransiisku u fidin Somaliland.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu wefdiga uga waramay waxyaabaha ay
hogaamiyaha wefdiga Faransiiska Ambassador Yves Bertin oo ah Danjiraha Dawlada Faransiiska u qaabilsan dhinaca siyaasada, fadhigiisuna yahay Magaalada Jabuuti, waxa uu isna halkaa ka sheegay in isaga iyo wefdigiisuba ay aad ula dhaceen waxyaabaha ay Somaliland qabsatay, gaar ahaan dhinaca Nabad gelyada, Xasiloonida iyo nidaamka dimuqraadiyada.
Ambassador-ku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in ujeedada wefdigiisu ay ka mid tahay in ay indha-indheeyaan warbixina u gudbiyaan Dawladooda meelaha u baahan in laga taageero dalka Jamhuuriyada Somaliland, si ay sii wadaan horumarka ay ku tallaabsadeen.
Ambasador-ku waxa kale oo uu sheegay in wefdigoodani aanu noqon doonin wefdigii ugu dambeeyay , hase yeeshee ay filayaan inuu wufuud badan oo Dawlada Faransiiska ka mid ahi ay soo booqan doonaan mustaqbalka soo socda.
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu is baray Wefdiga Faransiiska iyo wakiilka cusub ee Somaliland ee dhawaan loo magacaabay Faransiiska Mudane Maxamuud Saalax Fagadhe oo ah nin muddo dheer ka soo shaqaynayay Arrimaha Dibada , waayo aragnimo-na u leh xidhiidhada iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya caalamka.
kulankaasi Maanta dhex maray Madaxweynaha iyo wefdiga Faransiiska waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiiro dhawr ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane C/laahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Caafimaadka Mudane Cabdi Haybe, Wasiirka Kalluumaysiga Mudane Cali Maxamed Xasan iyo Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/risaaq Waaberi Rooble.”
Dhinaca kale, M/weyne Rayaale wuxuu dhagax-dhigay dhismaha Qayb cusub oo lagu kordhinayo Madaarka Diyaaradaha ee
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeysa,






