Khamiis,
Xaafado ka tirsan Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayay saaka ciidamadan howlgallo ka sameynayaan, iyagoo baaraya guryaha iyo goobaha ganacsiga ee ay dadka deegaanadaas ku leeyihiin.
Xaafada Suuqa Xoolaha iyo Xaafadaha ku dherersan Wadada Warshadaha ee Waqooyiga iyo Koofurta ka xiga ayay Ciidamadan Howlgallo ka sameeyeen, inkastoo aan la soo sheegin wax hub ah oo ay heleen intii ay baaritaannada wadeen.
Hayeeshee intii ay Ciidamada Howlgallada wadeen ayaa waxaa Suuqa Towfiiq ka dhacay Qarax lala eegtay Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray, kuwaasi oo halkaas howlgallo ka sameynayay.
Qaraxa ka dhacay Suuqa Towfiiq oo ahaa mid loo adeegsaday Bambo gacmeed ayaa waxaa ku dhaawacmay labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo labo Ruux kale oo rayid ah oo ay haleeleen Firirkii Qaraxa iyo weliba Rasaas ay Qaraxaas kadib fureen Ciidamada Qaraxa lala beegsaday.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay noqotay meel ay ku soo badanayaan Qaraxayada iyo Weerarrada lalal beegsanayo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya, iyadoo falalkaasina ay dhacayaan iyadoo la sheegayo in ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay howlgallo nabad-sugid ah ka sameeyaan Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






