9.3 C
London
Saturday, October 25, 2025

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sheegay in bililiqo lagu hayo Biro lagu ballaarin lahaa Dekedda Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 25, 2007(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, Garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa soo saaray Warsaxaafadeed Digniin ah oo uu ku sheegay in shalay iyo maanta bililiqo lagu hayo Biri lagu ballaarin lahaa Dekedda weyn ee Muqdisho.

 

Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa sheegay in Biro yaala gudaha Dekedda weyn ee Muqdisho uu raranayo Ganacsade lagu magacaabo Siciid Daahir, kaasi oo doonaya in uu Deegaanka Garacad Deked uga dhiso, wuxuuna caddeeyay in haddii aan arrintaas wax laga qaban ay dhibaato keeni doonto.

 

C/llaahi Dheere waxaa uu intaas ku daray in ay ugu  baaqayaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Qeybdiid, Ganacsatada Gobolka Banaadir, Maareeyaha Dekedda Muqdisho Cabdi Jiinow iyo Ciidamada AMISOM in la joojiyo dhoofinta Birahaas oo ah kuwo uu leeyahay Gobolka Banaadir bacdamaa sida uu yahay ay arrintu tahay Federaal.

 

“Ciidamada AMISOM ee Dekedda jooga waxaan leenahay idinkaa meesha jooga ee arrintaas wax ka qabta, caalamkana waxaan u sheegeynaa in haddii aan arrintaas wax laga qaban ay dhibaato keeni doonto” ayuu yiri C/llaahi Dheere.

 

Dhanka kalena, Afhayeenka Dhaqanka Golahan Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa isna wuxuu ku baaqay in weerarrada laga joojiyo Ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga, kuwaasi oo habeen hore lagu weeraray Dekedda Muqdisho, Xalayna Weerar Bambooyin loo adeegsaday loogu geystay fariisin ay ku leeyihiin agagaarka Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

 

Axmed Diiriye oo sii hadlayay waxaa uu Ciidamada AMISOM iyagana ugu baaqay in ay dhexdhexaad ka noqdaan dhinacyada isku haya Magaalada Muqdisho oo markaasina aysan dhinac la safan.

 

Ugu dambeyntiina, Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka howlgalaan Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Xarunta Villa Somalia iyo Isgoyska KM4, iyagoo sidoo kalena gargaarka dhinaca Bani’aadannimada ah u fidiya dadka xanuunsanaya iyo kuwa ay dhaawacyada soo gaaraan ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay ku daweeyaan Isbitaal ay sameeyeen Xarunta Dugsigii Tababarka Xalane oo fariisin u ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).