9.3 C
London
Saturday, October 25, 2025

Qarax lala beegsaday Guddoomiyaha Degmada Afgooye oo geystay Dhaawaca Shan Ruux oo uu ku jiro Xoghayntii Guddoomiyaha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 25, 2007(HOL): Qarax aad u xooggan ayaa saaka wuxuu ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo qaraxaasina uu ahaa mid lala beegsaday Guddoomiyaha Degmadaas Maxamed Cumar Muudey

 

Shan Ruux oo uu ku jiray Xoghaynta Guddoomiyaha Degmada Afgooye oo lagu magacaabo Maxamed Shiikh ayaa ku dhaawacmay qaraxaas oo ka dhacay agagaarka Beerta C/raxmaan Jaamac Barre ee Degmada Afgooye, waxaana haatan dhaawaca dadkaas lagu daweynayaa Isbitaalka Degmada Afgooye.

 

Qaraxaas kadib ayaa la sheegay in ay Rasaas tiro badan fureen Ciidamada Maamulka Degmada Afgooye, taasi oo si weyn u argagax gelisay Dadka Degmada oo markii horeba ka naxsanaa qaraxa ka dhacay Gudaha Degmadaas.

 

Wuxuu ahaa Qaraxii seddexaad oo lala beegsado Guddoomiyaha Degmada Afgooye Maxamed Cumar Muudeey, iyadoo labo qarax oo hore ay ku geeriyoodeen Darawalkiisii iyo Qaar ka mid ah Ilaaladiisii, waxaana xusid mudan horay Qarax lala beegsaday uu ugu geeriyooday Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Afgooye Marxuum Xasan Axmed Xasan.

 

Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Beerta C/raxmaan Jaamac Barre ayaa qaraxaas kadib waxay tageen halka qaraxa ka dhacay, halkaasi oo ay dadkii ku sugnaa ka kala carareen markii ay Ciidamada Itoobiyaanka arkeen, iyagoo ka baqaya  in ay  Ciidamada Itoobiyaanka waxyeello u geysan ama ay xiraan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo uu ka taliyo Maamul ka soo jeeda Dadka Deegaanka ayaa in muddo ah waxaa ka dhacayay qaraxyo lala beegsanayo mas’uuliyiinta maamulka Degmada, kuwaasi oo aan la ogeyn cid ka dambeysa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).