9.3 C
London
Saturday, October 25, 2025

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo saacadaha soo socda Sacuudiga la isugu geynayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 25, 2007(HOL): Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka oo uu u dhaxeeyo Khilaaf xooggan oo haddii aan xal loo helin salfan kara jiritaanka Dowladda Federaalka ayaa la filayaa in saacadaha soo socda la isugu geeyo Dalka Boqortooyada Sacuudiga.

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Dalka Itoobiya ayaa la sheegay in uu saacadaha soo socdo gaari doono  Dalka Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo kadibna la filayo in ay iyana Sacuudiga gaaraan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe.

 

Dowladda Sacuudiga oo ku soo biirtay Dowladaha daneynaya xal u helidda mushkiladda Soomaaliya ayaa haatan waxay isku dayeysaa inay maaro u hesho khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo  iyagoo raali iska ah dhawaan booqday Dalka Sacuudiga.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa shalay magaalada Addis Ababa waxaa uu kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen iyo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Tadhaka Alimu, kuwaasi oo ay ka wada hadleen Arrimaha Dalka Soomaaliya iyo weliba khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne C/llaahi Yuusuf, inkastoo aaney jirin cid ka tirsan labada dhinac oo ka warbixisay wixii kulamadaas ka soo baxay.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee aanu ka helnay dhinaca  socdaalka Ra’iisal Wasaare Geeddi ee Dalka Itoobiyana waxay sheegayaan in uu Ra’iisal Wasaaraha haatan kulan kula leeyahay Magaalada Addis Ababa Saraakiil ka tirsan Midowga Afrika iyo weliba Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Dalka Kenya Mr. Micheal Rannebeger, kaasi oo ku sugan Dalka Itoobiya. Wax faah-faahin ah lagama bixin waxyaabaha ay ka wada hadlayaan R’iisal Wasaare Geeddi, Micheal Rannebeger iyo Saraakiisha Mareykanka, waxaase loo maleynayaa in ay isla soo qaadayaan Xaaladda uu haatan ku sugan yahay Dalka Soomaaliya iyo weliba khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee Dowladda Federaalka.

 

Ugu dambeyntiina, Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa u dhaxeeya khilaaf salka ku haya Awood Qeybsiga, Baarista Shidaal laga qodayo Deegaannada Puntland iyo weliba Arrimo dhinaca Maaliyadda ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).