9.3 C
London
Saturday, October 25, 2025

CAPTAIN PADDY ANKUNDA: “Seddex Askari ayaa nooga dhaawacantay Madaafiic Hoobiyayaal ah oo lagu weeraray Dekedda Muqdisho”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 24, 2007(HOL): Afhayeenka Ciidamada AMISOM ee ku sugan Captain Paddy Ankunda ayaa sheegay in weerarkii madaafiicda ahaa ee xalay lagu qaaday Dekedda Muqdisho ay kaga dhaawacmeen seddex Askari oo ilaalo ka hayay Dekeddaas.

 

Afhayeenka waxaa uu sheegay in seddexaad Askari  iyo Askari kale oo ka tirsanaa Booliska Dowladda Federaalka haatan lagu daweynayo Isbitaalka Ciidamada Uganda ee ku yaala Xarunta Dugsigii Tababarka Xalane oo fariisin u ah Ciidamadooda, isla markaana ay warbixin ka sugayaan Dhaqaatiirta daweyntooda gacanta ku heysa.

 

“Mid ka mid ah Askarta naga dhaawacantay ayaa naloo sheegay in uu dhaawac halis ah qabo, waxaana warbixinta xaaladdiisa ka sugeynaa Dhaqaatiirta”ayuu yiri Captain Paddy Ankunda oo sheegay in shalay maqribnimadii madaafiic hoobiyayaal ah lagu weeraray Dekedda Muqdisho oo ay ka joogaan 200 Askari oo u xil saaran sugidda ammaanka Dekedda.

 

Wuxuu sheegay in aysan weerarkaas dartiis Ciidamadooda Dekedda ku sugan aysan la bixi doonin, wuxuuna caddeeyay in ay halkaasi sii joogi doonaan tan iyo inta ay uga dhamaaneyso howsha ay Muqdisho u joogaan ee nabad-sugidda ah.

 

Afhayeenka oo u waramayay Jariidada New Vision ee ka soo baxda Magaalada Kampala ee Dalka Uganda  ayaa mar wax laga weydiiyay in ay garanayaan Cidda madaafiicdaas ku soo riday waxaa uu sheegay in aysan wax fikrad ah ka heysan cidda madaafiicdaas ku weerartay balse ay hayaan baaris ku saabsan sidii ay u ogaan lahaayeen.

 

“Halkan waxaan u joognaa howlgal nabad ilaalin ah, welina ma dhamaanin howlgalkaas, waxaan sugeynaa Ciidamo ka imaanaya Midowga Afrika ama kuwo UN-ka ka socda oo howsha nagala wareega muddo lix bilood gudahood ah”ayuu mar kale yiri Captain Paddy Ankunda.

 

Weerarka madaafiicda ah ee xalay lagu qaaday Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay gacan ku heynta nabadgelyada Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ay la wareegeen Ciidamada AMISOM, kuwaasi oo saraakiishooda sare ay sheegeen in ay halkaas Ciidamadooda geeyeen kadib markii ay ogaadeen in la doonayo in la weeraro Xabsiga Dhexe oo ay ku jiraan Maxaabiis aad u tiro badan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).