
Arbaco, October 24, 2007(HOL): Subaxnimadii maalintii sabtida 20/10/2007 ayaa wafdi ka socda Qaramada midoobay oo tiradiisu kor u dhaafaysay 10 xubnood oo ay wehliyaan masuuliyiin iyo waxgarad ka socda Koonfurta Gaalkacyo waxay soo galeen Gobolka Galgaduud dhinaca waqooyi iyagoo ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo, ujeedada socdaalkooduna wuxuu ahaa sahan iyo qiimeyn. Waxayna isla maalintaas wafdigu soo gaareen magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Wafdiga ayaa waxaa uga hortagay deegaanka Gelin-soor soodhaweeyayaal ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka, masuuliyiin ka tirsan dowladda ee qaabilsan xiriirka hay’adaha samafalka iyo xubno ka socday NGO-yada ka howl gala deegaanka Cadaado.
Wafdigan oo ka kala socday hay’adaha kala ah UNHCR iyo OCHA ayaa waxay ugu horayn shir balaaran kula yeesheen hoolka shirarka ee magaalada Cadaado odayaasha beelaha dega Cadaado, culimo-awdiinka, aqoonyahanada, ururada haweenka iyo ciidamada nabadgelyada, waxayna marka hore u sharaxeen waxa ay yihiin iyo socdaalkooda ujeedada ka dambeysa.
Shirka oo ahaa kii ugu horeeyey ee dhexmara UN-ka iyo waxgaradka deegaanka Cadaado in mudo ah ayaa waxaa furay guddoomiye ku xigeenka degmada Cadaado Cabdul Cali Gureey wuxuuna soo dhaweyn ka dib wafdiga Qaramada Midoobay ku yiri “Hana yeelinina sidii aad horay noo yeeli jirteen ee intaad noo timaadaan aad naga tagi jirteen, waxaa xaqiiqo ah in aan ka burbursanahay ama aan ka liidano degmo ahaan kaabayaasha caawiya aadanaha sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo wixii la mid ah.
Intaa kadib odayaasha ayaa ka hadlay halkaas waxayna ka dayryeen taageeradii hadda ka hor ay ka heleen hay’adaha Qaramada Midoobay iyagoo hordhigay wafdiga eed ka dhan ah Qaramada Midoobay oo ah in la dayacay isla markaasna aan qiil loo heli Karin taageero la’aantii ay kala kulmeen Qaramada Midoobay.
Xubnaha u hadlayey odayaasha deegaanka Cadaado oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Cali Geedi Cabdi, Maxamed Yare Xasan Guutaale, Xasan Dhoore Guuleed iyo Ugaas Daahir Ugaas Faarax ayaa hadalkooda ku soo gabangabeeyey haddii aad wax na siineysaan hanasiinina Shamuuray dad iska dhaafe xooluhu aysan cuni Karin, waxaan sugaynaa amaankiina ee idinkuna na caawiya.
Why Cliffe sangwa oo ah ku xigeenka wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Odd Einar Olson ah sarkaalka arrimaha bani’aadamnimada uga wakiilka ah OCHA magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo, Maxamed C/raxmaan Dhaban cad oo isna ka mid ah howl wadeenada OCHA iyo xubno kale oo ka mid ahaa wafdiga ayaa dadka reer Cadaado u sheegay ujeedada socdaalkooda waxayna ku tilmaameen mid miraha ka dhasha socdaalkani noqon doono midka go’aanka looga gaaro Gobolada dhexe ee Soomaaliya oo in mudo ah aan lagu arag ama aan la surin calaamada iyo calanka UN-ka.
Hadalada masuuliyiinta ka socday Qaramada Midoobay ayaa isugu soo biyo shubanayey in Qaramada Midoobay diyaar u tahay xafiisyo in ay ka furato Gobolka Galgaduud isla markaasna ay u baahan yihiin in deegaanka laga dhigo mid ku haboon ama soo jiidata hay’adaha Qaramada Midoobay.
Intaa ka dib waxay wafdigu shir gaar ah la yeesheen odayaasha dhaqanka kulankaasoo mudo saacad ah socday waxay odayaasha iyo wafdigu ku jeex jeexeen sida ugu haboon ee iskaashi loo sameyn karo maadaama la doonayo qorshe waqti dheer ah oo ay hay’adaha caalamiga ah doonayaan in ay uga howl galaan Gobolka Galgaduud.
Wafdigu waxay habeenkaa ku hoyden guriga martida ee degmada Cadaado subaxnimadiina 21-da bishan ayey wafdigu kulan la yeesheen ururada bulshada rayidka ah iyagoo si gaar ah ula kulmay NGO-yada macquulka ah ee ka jira deegaankan Cadaado.
Kulankaas dhexmaray NGO-yada iyo wafdiga Qaramada Midoobay waxay sidoo kale ku lafagureen sidii loo wada shaqeyn lahaa waxayna xubnaha ka socday Qaramada Midoobay ururada Bulshada rayidka ah ee ay ka midka yihiin kuwa haweenku ka dhageysteen warbixino ka hadlaya baahida dhan walbo leh ee haysata dadka ku nool Gobolada dhexe iyo sidii loo wada howl geli lahaa.
Wafdiga ayaa kormeer kala duwan waxay ku sameeyeen baraha muhiimka ah ee magaalada Cadaado sida isbitaal oo ah mid ku ah mashquul adeega dadweynaha, saldhiga booliska, xabsiga, xarunta maamulka degmada, ceelasha biyaha, dad soo barakacay oo isu soo baxay iyo garoonka weyn ee diyaaradaha ee Cadaado air port.
Intaa ka dib wafdigu wuxuu u baqoolay dhinaca deegaanka Godinlabe oo ka tirsan degmada Cadaado waxayna halkaas ka dhacay kulan dhexmaray odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Godinlabe iyo weliba xubnaha wafdiga, wafdigu waxay booqdeen ceelasha biyaha ee Godinlabe, iskuul qabyo ah, waxayna galabnimadii u sii gudbeen magaalada Dhuusamareeb xarunta Gobolka Galaduud.
Wafdigu waxay tageen magaalada Dhuusamareeb iyagoo la kulmay waxgaradka iyo maamulka degmada Dhuusamareeb, sidoo kale waxay booqdeen xaruumaha kala duwan ee magaalada Dhuusamareeb sida isbitaalka, iskuulka, ceelasha iyo garoonka diyaaradaha, waxayna halkaas ku sugnaayeen muddo 36 saac ugu dambeyntiina wafdigu waxay subaxnimadii 23/10/2007 oo ahayd maantay ka soo ambabaxeen magaalada Dhuusamareeb iyagoo u gudbay Gobolka Mudug, waxaana galbinayey masuuliyiin iyo madaxda ururada bulshada ee deegaanada ay wafdigu booqdeen.




Cilmi Nuure Weheliye
Guddoomiyaha Hay’adda Horumarinta iyo Gargaarka ee SOOJEED
e-mail: soojeed_org@yahoo.com
e-mail: cilmi_nuure@hotmail.com
Tel:2521-5515851






