9 C
London
Saturday, October 25, 2025

Madaafiic Hoobiyayaal ah oo toban ka badan oo xalay lagu duqeeyay Dekedda Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 24, 2007(HOL): Madaafiic Hoobiyayaal ah ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu weeraray Dekedda weyn ee Muqdisho, xili ay ku xirnaayeen Maraakiib Shidaal iyo Badeecooyin kale laga dejinayay.

 

Madaafiic ka badan 10 Madfac ayaa waxay xalay maqribtii ku dhaceen Dekedda weyn ee Muqdisho, waxayna geysteen madaafiicdaas inta la ogyahay dhimashada haweeney ku sugneyd guri Dekedda u dhow iyo dhaawaca seddex askari oo ka tirsan Ciidamada Uganda iyo mid ka tirsanaa Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka.

 

Lama soo sheegin khasaare kale oo ay Madaafiicdaas ka geysteen gudaha Dekedda, sida ay ku warameen Howl-wadeenada Dekedda, waxaana saaka si caadi ah u socda howlihii dejinta ahaa ee laga waday maraakiibta Dekedda ku xiran.

 

Sidoo kalena Ma jirin wax madaafiic jawaab ah oo ay rideen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gudaha Dekedda Muqdisho, taasoo haddii ay dhici lahayd khasaare soo gaarsiin lahayd dadka ku dhaqan halka laga tuuray madaafiicda Dekedda ku dhacday.

 

Madaafiicda xalay lagu tuuray Dekedda Muqdisho ayaa waxay Dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir soo xusuusiyeen madaafiic hoobiyayaal ah oo lagu tuuri jiray  Dekedda, Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Madaxtooyada horaantii sanadkan, kuwaasi oo ay tuuri jireen kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).