Arbaco,
Dad goob-joogayaal ah oo ka dhawaa halka qaraxa ka dhacay ayaa xaqiijiyay in Dadkii saarnaa Gaarigaa oo Mini Bus ahaa ay geeriyoodeen marka laga reebo labo ruux oo iyana dhaawac halis ah qabay, waxaana dadka gaarigaas ku geeriyooday la sheegay in ay ka badan yihiin 10 ruux.
Gaariga ay Miinada la kacday ayaa wuxuu ka mid ahaa Gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya inta u dhaxeysa Isgoyska Fagax iyo Suuqa Xoolaha, waxayna miinada la kacday intii uusan 100 tallaabo u jirsan halkii uu rakaabka ka qaaday.
Goob-joogayaashu waxay sheegeen in xiliga ay Miinadaas qarxeysay aysan aagga ka dhaweyn Ciidamo Soomaali ama Itoobiyaan ah haddiiba la dhihi lahaa Miinada waxaa loola dan lahaa Labadaas Ciidan.
Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaraxaas kadib waxay tageen halka uu qaraxa ka dhacay, waxay bilaabeen baaritaanno la xiriira wixii dhaliyay Qaraxaas.
Si kastaba arrinta ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo badanaya khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaraya Qaraxyada ka dhasha miinooyinka dhulka lagu aaso iyo bambooyinka gacanta laga tuuro, kuwaasi oo inta badan lagu weeraro Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






