Talaado,
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Caddaani, ayaa waxa lagu sheegay in waxyaabaha kale ee layskula qaatay Shirkaasi ay ka mid yihiin, sidi looga shaqayn lahaa Xasiloonida iyo Nabadgelyada Gobolka.
Warsaxaafadeedkaasi oo dhammaystiranina wuxuu u dhignaa sidan;
“Shirkii Golaha Wasiirada oo uu Guddoominayay Madaxwaynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada shalay oo Isniin ahayd, waxaa ka mid ahaa arimaha lagu falan qeeyay xaalada ay ku sugan tahay magaalada Laascanood, magaalo madaxda Gobolka Sool oo ay hadda gacanta ku hayaan Maamulka Somaliland.
Waxaa uu Madaxwaynuhu shirka u sheegay in ay lagama maarmaan tahay in si fiican looga taageero baahiyaha kala duwan ee ka jira Gobolka Sool oo in muddo ahba dayacnaa.
Hadaba si taa looga howl galo, waxa Golaha Wasiiradu ay isku raceen in Cashuuraha dalka laga qaado oo dhan, 2% in la saaro si loogu daboolo baahiyahaa ka soo kordhay gobolka.
Shirku waxaa kale oo uu isku raacay in Golaha Wasiiradu ay horaad ka noqdaan in mushaharkooda hal bil ay ugu deeqaan, kuna caawiyaan baahiyaha deg dega ah ee ka jira gobolka Sool.
Shirka Golaha wasiirada waxaa uu tibaaxay arimaha ugu muhiimsan ee ay laga maar maan tahay in si deg dega wax looga qabto ay yihiin nabadgalyada iyo xasiloonida gobolka. Taas oo ay hadda ku guda jiraan maamulka Somaliland ee gobolkaas iyo waftiga ballaadhan ee ka socda Xukuumada Somaliland iyo Xildhibaanada golayaasha oo hadda ku sugan magaalada laascaanood.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
Hargeysa,






