9 C
London
Saturday, October 25, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo xabsi ku jira

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 23, 2007(HOL): Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, kuna taariikheysneyd 27/09/2007 ayaa lagu sheegay in xilalkii ay hayeen laga qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore la xiran oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Sheegow.

 

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Garsooraha la xiran xilkii laga qaaday kadib markii uu madaxweynaha eegay Qodobada 39aad, 55aad iyo 63aad ee Axdi Qarameedka u degsan Dowladda Federaalka, isla markaana uu dhegeystay soo jeedin ka timid Guddiga Garsoorka iyo Wasaaradda Garsoorka Soomaaliya.

 

Dr. Yuusuf Cali Haaruun oo weli xabsi ku jira ayaa waxaa lagu soo eedeeyay dembiyo ay ka mid ahaayeen in uu lunsaday lacago mushaarooyin ah oo ay lahaayeen Shaqaalaha Garsoorka, sidoo kalena uu sameeyay ku takri-fal Awoodeed oo dhinaca Xafiiska Maxkamadda sare ah.

 

Xil ka qaadista uu Madaxweyne Yuusuf ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamaddda sare ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo khilaaf u dhaxeeyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi oo xiriir la leh xariga Guddoomiyaha Maxkamadda sare uu meeshii ugu sareysay marayo.

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa dhawaan mar uu ka hadlayay xariga Guddoomiyaha Maxkamadda sare waxaa uu sheegay in uu xarigaas yahay mid sharci darro ah, dhawaana la sii deyn doono.

 

Si kastaba arrinta ha ahaatee, Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre ayaa mar sii horeysay oo uu ka hadlay xariga Guddoomiyaha Maxkamadda sare waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha uu dembi galay, isla markaana sharciga la hor-geyn doono, isagoo caddeeyay in haddii si aan sharci ahayn lagu sii daayo aysan jiri doonin qof sharci lagula xisaabtami doono.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).