Talaado,
Saraakiil ka tirsan Xafiiska WFP ee Muqdisho oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegay in Idiris laga sii daayay Xabsigii uu ku jiray, isla markaana uu isagoo caafimaad qaba soo gaaray Dhismaha ay degan yihiin Hay’adaha UN-ka ee u dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Sarakiishan ma aysan sheegin wixii markii hore loo xiray iyo wixii keenay in la soo daayo kadib dhowr maalmood oo xabsi ku jiray, waxayse ku gaabsadeen in la soo daayay kadib wada hadal dhexmaray Hay’ado UN-ka ka socda iyo Madaxda Dowladda Federaalka.
Idiris Maxamed Cusmaan ayaa todobaadkiii aynu ka soo gudubnay waxaa xafiiskiisa Muqdisho ka kaxeystay Ciidamo tiro badan oo la sheegay in ay ka socdeen Waaxda Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo Dowladda Federaalka aaney ilaa iyo haatan si rasmi ah u sheegin waxa loo xiray Sarkaalkaas u shaqeynayay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP.
Hay’adda WFP ayaa waxay raashin mucaawino ah siisaa Dadka Qaxootiga ah, kuwa ka barakacay Magaalada Muqdisho iyo weliba Dad ay saameeyaan Abaaraha iyo Fatahaadaha, waxayna markii la xirayay Idiris Maxamed Cusmaan ay qorsheyneysay in ay raashin mucaawino ah gaarsiiso Deegaano ka tirsan Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.
Si kastaba arrinta ha ahaatee, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan wax laga weydiiyay xariga Wakiilka Hay’adda WFP ee Muqdisho ayaa sheegay in Sarkaalkaas ay baaritaan ku hayaan Hay’adaha Nabadgelyada Dowladda Federaalka, isla markaana haddii uu dembo ku soo baxo dembigiisa lagu qaadi doono, haddii dembi lagu waayana si shuruud la’aan ah loo sii deyn doono.
Warar hore oo la xiriira Warkan-HOL
Maxamed Dheere oo sheegay in Sarkaalka WFP ee u xiran
Dowladda Federaalka sharciga la soo taagi doono –HOL
Ra’iisal Wasaare Geedi oo ka hadlay Xariga
Madaxa Xafiiska WFP ee Muqdisho–HOL
Madaxa Hay’adda WFP ee Magaalada Muqdisho
oo saakay Xafiiskiisa laga kaxeystay –HOL
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






