9 C
London
Saturday, October 25, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi oo showrkii ugu dambeeyay la leh Xildhibaannada Baarlamaanka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 23, 2007(HOL): Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka socda kulamo xasaasi ah oo ay mudanayaasha Baarlamaanka la leeyihiin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo uu u dhaxeeyo khilaaf dhinacyo kala duwan salka ku haya.

 

Kulamadaas ayay labada mas’uul uga dhaadhicinayaan Xildhibaannada ku fikirka ah in ay difaacaan siyaasadahooda, iyadoo xitaa ay jiraan warar sheegaya in Xildhibaannada ay lacag ku qaadanayaan la kala safashada mas’uuliyiinta is-haya.

 

Kulamada lagu kala jiidanayo Mudanayaasha Baarlamaanka ee Baydhabo ka socda ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo maalinta berri ah lagu wado in Baarlamaanka Soomaaliya uu si sharci ah uga doodo Qodobada Axdi Qarameedka ee ay isku hayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

 

Maalintii shalay ahayd ayay 115 Xildhibaan waxay u codeeyeen in khilaafka u dhaxeeya madaxda Dowladda lagu dhameeyo Baarlamaanka hortiisa, inkastoo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ay dood ka keeneen qaabka loogu codeeyay Ajendahaas.

 

Muranka Xildhibaannadaas ayaa yimid kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe uu ku dhawaaqay in 115 Xildhibaan ay u codeeyeen in Ajendaha laga dhigo Arrimaha Dastuurka, halka 23 Mudane ay u codeen in la sii wado Ajendihii ku saabsanaa la xisaabtanka Xukuumada, iyadoo 80  Xildhibaan oo Kulankii Baarlamaanka ka baxayna lagu daray 5 Xildhibaan oo ka aamusay in ay codkooda ka dhiibtaan go’aankaas.

 

Si kastaba arrinta ha ahaatee, waxaanan la ogeyn sida ay mas’uuliyiinta is-khilaafsan ee Dowladda Federaalka ay ugu qanci doonaan go’aanka ay Xildhibaannada ka gaaraan waxyaabaha ay isku hayaan waayo waxaa la hubaa in aysan dhici doonin in uu Baarlamaanka soo saaro go’aan ka wada farxiya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo markii labaad uu u dhaxeeyo khilaaf xooggan oo haddii aan xal loo helin halis gelin kara jiritaanka Dowladda Federaalka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).