Talaado,
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in Sarkaalkaas u shaqeynayay Hay’adda WFP uu xiran yahay Hay’addaha Nabadgelyada Dowladda Federaalka, Isla markaana arrintiisa baaris lagu hayo.
“Ninkan lama diline waa la xiray, su’aalo ayaa la weydiinayaa, wixii lagu xiray oo lagu daba socday ayaana su’aalo laga weydiinayaa, sharciga ayaana la hor-geynayaa. waxa la xirayna waa shakhsi Soomaali ah ee Hay’addi lama xirin, howlaheedana sideedi ayay u sii wadaneysaa”ayuu yiri Maxamed Dheere oo ugu baaqay WFP in ay ka fiirsato waxyaabaha ay ku hadleyso.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sii hadlayay waxaa uu sheeagy in aysan ka yeeleynin Hay’adda WFP in ay shuruucda Dalka uga bedeshaan Galley Gaduud, “Haddii aan shuruucda Dalka la fulin karin oo ay ku beec tahay Galleyda, WFP ha qaadato Galleydeyda, waayo annaga sharciga ayaan fulineynaa, qofkii dembi galana sharciga ayaan la hor-geynayaa”ayuu mar kale yiri Maxamed Dheere oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntiina, Maxamed Dheere waxaa kale oo uu ka hadlay Hay’ado samafal oo mar kasta sheega in ay wax u qabanayaan Dad degan Guryaha Dowladda iyo kuwa qaxootiga, wuxuuna sheegay in ay haatan Dhul siinayaan Dadkaasi, isla markaana Hay’adaha looga baahan yahay in ay ka dhabeeyaan ballanqaadkoodii ahaa in ay dadkaas guryo u dhisayaan.
War la xiriira Warkan-HOL
Ra’iisal Wasaare Geedi oo ka hadlay Xariga
Madaxa Xafiiska WFP ee Muqdisho–HOL
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






