Talaado,
Isagoo saxaafadda la hadlayay kadib kulan uu la qaatay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ahmedou Ould- Abdallah ayuu sheegay Meles Zenawi in Dowladdiisa ay wax badan ku bixineyso sidii ay Soomaaliya u xasili lahayd, isla markaana ay dadaalkaas sii wadi doonto.
Meles Zenawi waxaa uu intaas ku daray in in Itoobiya oo Soomaaliya deris la ah, isla markaana ka tirsan Urur Goboleedka IGAD ee ay Soomaaliya xubinta ka tahay ay ballan ku qaadeyso xaqiijinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Mr. Ahmedou Ould- Abdallah ayaa waxay kulankooda iskula soo qaadeen xaaladda Dalka Soomaaliya iyo weliba sidii ciidamo Nabad Ilaaliyayaal ah loogu diri lahaa Soomaaliya.
Labadan mas’uul sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii Ciidamada Itoobiya looga saari lahaa Soomaaliya, isla markaana loogu bedeli lahaa Ciidamo ka socda Midowga Afrika, hayeeshee Ra’iisal Wasaaaraha Itoobiya ayaa sheegay in marka la helo Ciidamo Afrikaan ah uu ciidamadiisa kala bixi doono Soomaaliya, inta ka horeysana ay sii joogayaan.
Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould- Abdallah ayaa intaas kadib sheegay in inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa uu kulamo la qaadan doono Madaxda Midowga Afrika, kuwaasi oo uu kala hadli doono sidii Ciidamo ka socda Midowga Afrika loo geyn lahaa Soomaaliya.
Dalalka Midowga Afrika oo la filayay in ay Ciidamo gaaraya 8,000 oo Askari ay u diraan Soomaaliya ayaan ilaa iyo haatan laga heynin wax ciidamo ah marka laga reebo Dowladda Uganda oo Muqdisho u soo dirtay 1,600 oo Askari, kuwaasi oo howshooda nabad ilaalinta ah ay kooban tahay iyo weliba Dowladda Burundi oo iyadana sheegta in ay Ciidamo u direyso Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






