9 C
London
Saturday, October 25, 2025

7 Ruux oo ku dhimatay Dagaal ka dhacay qeybo ka mid ah Gobollada Dhexe

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 23, 2007(HOL): Dagaal Culus oo galinkii danbe ee shalay ilaa baneenimadii Xalay ka socday qeybo ka mid ah Deegaanada ku dhaw dhaw Degmada Guri-ceel ee Gobalka Gal-gaduud ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhiteen ku dhaawaad 7 Ruux halka intaa ka badana ay ku dhaawacmeen sid laga helayo goobaha caafimaadka  qaar kood oo la geeyay dhaawaca.

 

Dagaalka oo ah mid u dhaxeeya Labo beelood oo ka wada tirsan Beelaha wada dega Gobalka Gal-gaduud ayaa ku saleysan muran la xiriira Deegaanka iyo Daaqa Xoolaha oo ah inta badan khilaafka uu ka dhasho dagaalada u dhaxeeya dadka Reer miiga ah,  waxaana warku intaa ku darayaa in wali xiisadu ka taagan tahay Tuulada Garijir oo ah halka dagaalku ka bilaawaday.

 

Odayaal iyo wax-garad ka tirsan Beelaha Dagaalku u dhaxeeyo ayaa hadda bilaabay dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo dirir ka dhax socta labada beelood waxaana la filayaa in Odayaashu saacadaha soo socda gaaraan deegaanada dagaaladu ka dhaceeen in kastoo warar kale oo soo baxayana sheegayaan in Odayaasha garab ka mid ah dhinacyada is haya arintaa ka cag jiiidayaan.

 

Ma’aha markii ugu horeysay oo dagaalo ku salaysan Murano dhinaca Daaqa ah ay ka dhacaan qeybo ka mid ah Gobalada dhaxe, Bartamihii sanadkan naga sii dhamaanaya ayeey aheyd markii Dagaalo culus oo ka dhashay dhulka miiga ah ay dhaxmareen Beelo ka soo kala jeeda Gobalada Gal-guduud iyo Hiiraan walow hadana kulan labada beelood ku dhax-maray Degmada Ceel-buur lagu soo afjaray khilaafka u dhaxeeyay.

 

Dhinaca kale Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan waxaa xiran dhamaan Goobihii ganacsiga ee Magaalada sida Bacadlayaashii dharka, Suuqii Maacuunta, Suuuqii Sarafka Doolarka, Suuqii Qudaarta iyo waliba Goobihii lagu iibin jiray waxyaabaha soo  go’a dalaga beeraha kadib markii wareegto ka soo baxaday Maamulka Gobalka lagu amray Ganacsatadu in ay isaga guuraan goobahaa oo lagu sheegay in ay yihiin kuwo sharci daro ah, waxaana arintaa ay muran badan ka dhax-abuurtay Ganacsatada iyo Maamulka oo ugu danbeytii sheegay in amarka soo baxay yahay mid aan dib looga laaban doonin.

 

C/raxmaan diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).