Talaado,
Qaraxaas oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa lala eegtay Gaari ay wateen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo marayay agagarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad oo ay ku taalo fariisin ay Ciidamadaas Gaadiidka kaga qaadaan lacag canshuur lagu sheegay.
Labo Askari oo ka tirsan Ciidamadii halkaas ku sugnaa ayaa geeriyootay sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka ah oo indhahooda ku arkay meydadka labada Askari. Rasaas ay qaraxaas kadib fureen-na waxaa ku dhaawacmay Nin Da’ ah oo wadada marayay markii Qaraxa dhacay.
Daqiiqado kadib markii uu qaraxa dhacay ayaa waxaa xaafadaha u dhow Kuliyaddii Jaalle Siyaad lagu arkayay Odayaal Cod baahiyayaal wata, kuwaasi oo Dhalinyarada ugu baaqay in ay ka fogaadaan halka qaraxa ka dhacay, si aysan u qaban ama aysan dhibaato ugu geysan Ciidamadii Miinada lagu qarxiyay.
Qaraxa saaka ka dhacay agagaarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu Qarax xooggan ka dhacay agagaarka Dugsigii 15 May, kaasi oo lala beegsaday Gaari ay wateen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkaas waxaa ku dhintay afar ruux oo rayid ah oo ka dhawaa halkii qaraxa ka dhacay, iyadoo la sheegay in gaarigii qaraxa lala beegsaday uu ka gudbay Miinadii loo dhigay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






