Isniin 22 October 2007 (HOL)- 7, December 2002 ayay ahayd markii M/weyne Rayaale iyo Wefti uu hogaaminayay oo ku sugnaa Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ay siday wararku sheegeen weerar ku soo qaadeen Ciidamo daacad u ah Maamulka Puntland. Halkaas oo uu dagaal ku dhex maray iyaga iyo Ilaaladii M/weyne Rayaale, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawacba soo kala gaadhay labada dhinac. Taasina waxay kalliftay in Weftigii M/weyne Rayaale uu ka soo baxo Magaalada Laascaaanood, isla markaana wuxuu muddo ka dib amar ku soo rogay M/weynuhu in Ciidanka Somaliland laga soo saaro Magaalada Laascaanood iyo deegaamo kale oo ka tirsan Gobolka Sool. Waxa kale oo uu M/weyne Rayaale intaa ka dib waqtiyadii Doorashooyinka Somaliland Xaalad deg-deg ah ku soo rogay Gobolkaasi, marka laga reebo Degmada Caynaba ee isla Gobolkaas.
Inkasta oo weerarkaa ka hor uu jiray sheegashada ama muranka labada dhinac ee Gobolkaasi Sool, haddana amaradaa kala dambeeyay ee uu M/weyne Rayaale soo saaray, ayaa waxa dadka arrimaha Siyaasadda u dhuun-daloolaa ay ku macneeyaan mid hoosta ka xarriiqay, isla markaana hirgeliyay muran hor leh oo aan hore u jirin.
Waxay muddo sidaa ahaataba
Isku soo wada duuboo, dad badan ayaa isweydiin kara, maxay daarran tahay amaba ujeedada ka dambaysa dagaalkani uu yahay? Dadka qaar ayaa u arka mid labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland ay ku baratamayaan dano siyaasadeed, dadka qaarkiina waxay u arkaan mid ay Somaliland xaq u leedahay maamulka Gobolka, oo Juquraafi ahaan ka tirsan yahay. Halka dadka qaarna ay ugala muuqato mid ay gobolkan Maamulka Puntland hayb ahaan raacsan.
Si kastaba ha ahaatee,
Guntii iyo geba-gebadii Beesha Caalamka ayaan si rasmi ah uga hadlin arrintan, marka laga reebo in yar oo ka mid ah oo ugu baaqday labada dhinac inay arrinta ku soo dabbaalaan nabad iyo wada-xaajood.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
Hargeysa,






