Isniin,
Xildhibaannada Baarlamaanka oo todobaadki hore dabayaaqadiisii ay u bilaabatay dood ku saabsaneyd kala doorashada labo ajende oo kala ah in la sii wado mooshin ku saabsanaa la xisaabtanka Xukuumadda iyo in la bilaabo ajende kale oo ku saabsan in codka kalsoonida loo qaado Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.
Xildhibaanno dhowr ah oo maanta ka hadlay kulankii Baarlamaanka ayaa waxaa doodahooda ka muuqatay sida aaney dhexdhexaad uga ahayn khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo markii labaad uu khilaaf xooggan u dhaxeeyo.
Intii uu socday kulankii maanta ayaa waxaa iska tegay oo guryahooda iska aaday Xildhibaano tiradooda gaareysay 80 Xildhibaan, kuwaasi oo aan la ogeyn wixii keenay in ay Fadhigii Baarlamaanka isaga baxaan.
Kulankii uu maanta yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ayaa gunaanadkiisii waxaa ka soo baxay go’aan ah in khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha loo wajahaa qaab sharci ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay go’aankii ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in 115 Xildhibaan-na ay u codeeyeen in Ajendaha laga dhigo Arrimaha Dastuurka, halka 23 Mudane ay u codeen in la sii wado Ajendihii ku saabsanaa la xisaabtanka Xukuumada, iyadoo 80 Xildhibaan oo Kulankii Baarlamaanka ka baxayna lagu daray 5 Xildhibaan oo ka aamusay in ay codkooda ka dhiibtaan go’aankaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






