9 C
London
Saturday, October 25, 2025

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo isku Rasaaseeyeen Koontaroolka Degmada Wanla-Weyn

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 22, 2007(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku wada sugan Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta waxay isku rasaaseeyeen Koontaroolka Degmadaas, iyadoo is-rasaaseyntaasna la soo sheegayo inay sababtay dhaawac soo gaaray mid ka mid ah Taliyaha Ciidamadii isku dhacay.

 

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Wanla-Weyn Xuseen Shiikh Maxamed ayaa sheegay in isagoo Ciidamadii joogay Koontaroolka Degmada u aqrinayay Wareegto ka soo baxday maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ay rasaas ku bilaabeen Ciidamadii ay la hadlayeen, iyagoo gebi ahaanba diiday in ay qaataan amarka ka soo baxay Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Ciidamada Koontaroolka joogay oo la sheegay in ay muddo dheer halkaas joogeen ayaa waxay ka soo horjeedaan amar uu maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ku soo rogay oo faraya in ay Koontaroolkaas ku wareejiyaan Ciidamo uu maamulka halkaas u soo dirayo.

 

Is-rasaaseyntaas oo muddo kooban socotay ayaa waxaa ku dhaawacmay Taliyihii Ciidamada ee Koontaroolka joogay oo lagu magacaabo Sanjeer, kaasi oo diiday in uu Ciidamadiisa halkaas ka kaxeysto, waa sida uu xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Wanla-Weyn Xuseen Shiikh Maxamed.

 

Dhanka kalena, Shan Askari oo ka amar qaata Dowladda Federaalka ayaa geeriyootay, tiro kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii uu la rogmaday Gaari ay saarnaayeen oo marayay meel u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha Balli-Doogle iyo Degmada Wanla-weyn.

 

Ciidamada uu Gaariga la rogmaday ayaa waxay ku soo jeedeen Degmada Wanla-Weyn, si ay u dhexdhexaadiyaan dhinacyada isku rasaaseeyay Koontaroolka Degmadaas.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).