Isniin, October 22, 2007(HOL): Guddiga Ammaanka Qaranka oo shir ku yeeshay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay maxkamadda Gobolka Banaadir in ay cadaaladda horkeento dad ku xiran Xabsiyada Muqdisho, isla markaana ay kala saarto Dadka Dembiga leh iyo kuwa aan dembiga lahayn.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali ayaa sheegay in Guddiga Ammaanka Qaranka uu go’aankaas qaatay isagoo tixgelinaya sharciga u degsan Dowladda Federaalka iyo weliba Shuruucda Caalamiga ah, kuwaasi oo dhigaya in aan qof maxbuus ah oo aan la xukumin aan xabsi lagu heyn karin wax ka badan muddo 48 saacadood ah, “Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa loogu baaqayaa in ay maxaabiista cadaalada horkeenaan, isla markaana ay kala caddeeyaan kuwa dembilayaasha ah iyo kuwa aan dembiga lahayn”ayuu yiri Maxamed Muxyaddiin Cali oo saxaafadda u jeedinayay go’aanka ka soo baxay Guddiga Ammaanka Qaranka.
Go’aanka ka soo baxay Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xabsiyada Muqdisho ay ku jiraan Dad badan oo ay soo qabteen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo u badan kuwo loo soo qabtay tuhun la xiriira in ay lug ku leeyihiin falal nabadgelyo darro ah oo ka jira Magaalada Muqdisho.
Sidoo kalena, Go’aanka ka soo baxay Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u xiran yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun, Madaxa Xafiiska WFP ee Muqdisho iyo Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle, kuwaasi oo guryahooda iyo goobahooda shaqo ay ka kaxeysteen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Guddiga Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu amar ku bixiyay in Ciidamo Mileteri ah oo degan kas oo horjeedka Dekedda Muqdisho ay halkaas ka guuraan, isla markaana ay dib ugu laabtaan xeryahii loogu talagalay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






