Axad,
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in Ciidamadiisa iyo Ilaalada NationLink ay si aan ku talagal ahayn isugu dhaceen kadib markii mid ka mid ah Ilaalada NationLink uu rasaas ku riday Ciidamadiisa xili ay doonayeen in ay galaan gudaha Xarunta Shirkadda NationLink.
Maxamed Dheere waxaa uu intaas ku daray in is-rasaaseyn dhexmartay Ciidamadiisa iyo Ilaalada Shirkadda uu ku dhintay mid ka mid ah Ilaaladdii Shirkadda NationLink, kaasi oo uu sheegay in uu xabadda ku bilaabay.
Wuxuu sheegay in ay geerida Ninkaas ka wada hadleen Mas’uuliyiinta Shirkaadda NationLink, isla markaana ay isla meel dhigi doonaan mag-dhow laga bixyo, wuxuuna intaas ku daray in hubka ay heysteen Ilaalada Shirkadda uu ahaa mid sharciyeysan oo ay ogtahay Dowladda Federaalka.
Dhacdadan ayaa waxay timid kadib kormeer ay madaxda maamulka Gobolka Banaadir ku sameynayeen Shirkadaha Isgaarsiinta Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ku yaala Waqooyiga Muqdisho, iyagoo saakayna sidoo kale booqaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Telcom.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaan in aysan lahayn tababarkii looga baahna Askar Dowladeed, iyagoo mararka qaarkood geysta falal ka dhan ah Bani’aadannimada oo ay ka mid yihiin dil, dhac iyo barakicin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






