9 C
London
Saturday, October 25, 2025

ABWAAN CISMAAN C/LLAAHI GUURE: “Waxaan ka codsanaynaa Dowladda Federaalka inay sii dayso Abwaan Abshir Bacadle oo ah Abwaan Soomaaliyeed oo qaali ah”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 21, 2007(HOL): Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa waxay maanta ka codsadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in la sii daayo Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) oo ay ciidamada Dowladda Federaalka dhawaan xireen.

 

Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure oo ah Afhayeenka Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay Abwaanka sii deyso, bacdamaa uu yahay Abwaan Soomaaliyeed oo qaali ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

“Waxaan ka codsanaynaa Dowladda Federaalka inay sii dayso Abwaan Abshir Bacadle oo ah Abwaan Soomaaliyeed oo qaali ah” ayuu yiri Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure oo sheegay in ay rumeysan yihiin in Abwaanka uu u xiran yahay fikirkiisa.

 

Abwaan Abshir Bacadle oo maalintii Jimcaha ahayd ay gurigiisa oo ku yaala agagaarka KM4 ay ka kaxeysteen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii seddexaad wuxuu ku xiran yahay Xabsiga CID-da.

 

Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure waxaa uu sheegay in aysan lahayn wax awood ah oo ay Abwaanka ku soo deyn karaan, marka laga reebo in ay baaqyo u jeediyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka dalbanaya in la soo daayo Abwaanka oo Guddoomiyahooda ah.

 

Maamulka Gobolka Banaadir oo maalintii shalay ahayd hadal saxaafadeed ka soo saaray xarigga Abwaan Abshir Bacadle ayaa wuxuu sheegay in Abwaanka uu u xiran yahay sababo la xiriira iska hor-keenka Bulshada oo uu u adeegsaday Suugaantiisa, wuxuuna Afhayeen u hadlay Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Maxamed Muxyaddiin Cali uu sheegay in uu Abwaanka sharciga la hor-keeni doono.

 

Ugu dambeyntiina, Abwaan Abshir Bacadle ayaa si weyn u taageeri jiray Maxkamadihii Islaamka ee dagaalka la galay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya, wuxuuna ka soo muuqan jiray isagoo qori AK47 ah wata Fagaarayaashii ay ka qudbeyn jireen Madaxda Maxkamadihii Islaamka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).