9 C
London
Saturday, October 25, 2025

Xaflad lagu furayay dugsiga New Amoud Secondry oo maanta ka dhacday magaalada Borama

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 21, 2007(HOL):  Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu furayay dugsiga sarre ee New Amoud ayaa maanta ka dhacday xarunta dugsiga ee magaalada Borama.

 

Xafladaan oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin iskugu jirta Wasaarada Waxbarashada ee Somaliland, Maamulka magaalada Borama, Ganacsato, Culumaa’udiin, Suldaano, Waalidiin iyo kuwo kale oo aad u fara badan.

 Waxaa ugu horeyn xaflada ka hadlay Maamule K/xigeenka dugsigaan Cabdisalaan waxa uuna sheegay inay muddo ku taamayeen inay furaan dugsigaan New Amoud balse markii dambe ay ku guuleysteen.  

 

Waxa uu sidoo kale sheegay inay dugsigaan fureen 08-08-2007 in muddo ahna uu soo jiitamayay, waxana uu sheegay inay dugsigaan furitaankiisa ka qeyb qaateen mas’uuliyiin dhowr ah oo gobalka Awdal ku dhaqan.

 

“Afar Arday ayaan aheyn oo ka soo baxday Jaamacada Camuud, kadib markaan Jaamacadda dhameynay ayaan go’aansanay inaan wax u faa’iideyno gobolkeena, taasi ayaana nagu dhalisay inaan furto dugsigaan sare oo aan ugu magac darnay New Amoud  Secondary School” ayuu yiri Cabdisalaan.

 

Cabdisalaan waxa uu u mahadceliyay Maamulaha Shirkada Telesom Cabdiqaadir Aadan Nuur oo uu ku tilmaamay geesi ku dayasho mudan, mar walbana ku howlan sidii uu u hormarin lahaa gobalka.

 

Waxa uu sheegay in C/qaadir Aadan Nuur dugiga ka qeyb galay dhismahiisa gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha oo mar walba u heelanaa sidii uu dugsigaan u hormari lahaa gobalkana faa’iido badan ugu soo kordhin lahaa.

 

Sidoo kale, waxaa xaflada maanta ka hadlay Guddoomiye K/xigeenka Jaamacada Camuud Prof. Axmed Cabdilaahi Boqorre oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin ardaydoodii ka baxday Jaamacada Camuud inay maanta gobalka Awdal wax weyn kusoo kordhiyaan.

 

Waxaa uu sheegay inay dhowr mar kala tashteen afartaan Arday furitaanka dugsigaan isla markaana uu aad ugu farxay hamigooda uuna ku booriyay. Sidoo kale waxaa xaflada ka hadlay Duqa magaalada Borama Mudane Cabdiraxmaan Bille Shide oo sheegay hadii ay yihiin maamulka magaalada Borama inay aad ugu faraxsan yihiin hormarka uu gobalka ka gaaray dhinaca waxbarashada, isagoo ku booriyay Jaaliyadaha dibadaha ku dhaqan inay ku daydaan afartaan Arday ee gobalka u dhalatay kuwaaso Iskuul ku soo kordhiyay gobalka.

 

Waxaa isna halkaan ka hadlay oo qudbadiisa dadka kasoo qeyb galay oo dhan dhowrayeen maamulaha shirkada Telesom ee gobalka Awdal Mudane Cabdiqaadir Aadan Nuur oo sheegay inuu maanta aad ugu faraxsan yahay xafladaan uu kasoo qeyb galay.

 

“Aniga ma jecli in la i faaniyo, howsha aan qabtayna waa howl cid kasta oo u dhalatay gobalka u taala, waana howl ii faa’iido ah, u faa’iido ah ubadkeena, u faa’iido ah dhamaan danaha gobalka oo dhan” ayuu yiri Cabdiqaadir Aadan Nuur.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu mar walba daneeyo horumarka Waxbarashada, isagoo ku booriyay Ardayda dhiganeysa iskuulkaaan cusub inay ixtiraamaan macalimiintooda isla markaana ka faa’ideystaan jaaniskaan soo maray.

 

Qudbadaha halkaasi laga jeediyay oo aad u dhaadheeree ayaa waxaa markii dambe iskuulka xariga ka jaray Aabaha Waxbarashada Gobalka Awdal Prof. Faarax Shuun oo aad loogu soo dhaweeyay xafladaan.

 

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal waxaa horey uga jiray 5 dugsi Sarre iyadoo dugsigaan sare uu noqonayo kii  lixaad ee magaalada ku yaala. 

 

Abdifitahaam Ahmed

abdifitahaam@gmail.com

Borame, Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).