Axad,
Meydadka ayaa intooda badan waxaa lagu arkayay nawaaxiga Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo weliba gudaha xaafadaha dhanka Bari kaga toosan Garoonkaas, halkaasi oo shalay casir-liiqii uu dagaal xooggan ku dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Dad ku dhaqan halka uu dagaalkaas ka dhacay waxay sheegeen in meydadka 6 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Itoobiya iyo weliba dhaawaca tiro kale oo Askar oo aan la ogeyn inta ay la egtahay, kuwaasi oo arkayeen iyagoo lala sii cararayo.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa markii dhibkaas loo geystay kadib waxay bilaabeen in ay iyana dilaan cid kasta oo ay arkayaan, waxaana la xaqiijiyay in dadka ay dileen oo saaka la aqoonsaday ay isugu jireen kuwo guryahooda u hoyanayay iyo kuwo ilaalo ka hayay Garaashyo Baabuurta lagu xareeyo.
Dagaalka shalay casir-liiqii lagu qaaday Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wuxuu ahaa mid aad u xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dagaalkana uu ka dhashay Ciidamo Itoobiyaan ah oo doonayay inay u hoydaan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium oo ay dhexda uga soo baxeen Kooxo hubeysan, kuwaasi oo uu dhexmaray dagaal muddo gaaban socday balse aad u xoogganaa.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waa markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Itoobiyaanka Dad intan la eg dilaan kadib weerar lagu qaaday, wuxuuna falka ay ku dileen dadkan rayidka ah uu u muuqdaa mid ay uga jawaabayeen khasaarihii dhimashada iyo dhaawaca isugu jiray ee loo geystay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






