4.7 C
London
Sunday, October 26, 2025

Kulan ay Culumaa’udiinka Muqdisho ka yeesheen Dilalka Dadka Rayidka ah ee Muqdisho ku soo kordhay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 21, 2007(HOL): Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal Jameeca oo maanta kulan ay ka qeybgaleen in ka badan boqol qofood ku yeeshay Hotelka Global ee magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga hadlay dilalka dhowaanahan lala beegsanayay dadka bulshada magaca ku dhex leh iyo kuwa aan waxba galabsan.

 

Culumaa’udiinkii ka hadlay kulankaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Cali Xaaji Yuusuf oo ku dheeraaday waxa ay ka qabto diinta Islaamka ruuxii daadiya dhiig kale oo islaam ah,wuxuuna soo daliishanaayay Aayado Qur’aan ah iyo Axaadith, iyadoo uu Sheekhu cadeeyay waxa ay diinta Islaamka ka tiri ruuxa dila ruux kale oo islaam ah.

 

“Balaayada marka ay soo degto waa camimee, dadka oo idil” ayuu yiri Sheekh Cali Xaaji Yuusuf oo sheegay in qofka qabanaya amarka Muslimiinta in looga baahan yahay inuu dadka u naxariisto, si isagana loogu naariisto, “Qofkii  Ruux Mu’min ah dila Abaal marintiisu waa jahanamo iyo inuu Ilaah u caroonayo” ayuun yiri Sheekh Cali Xaaji Yuusuf opo xiligaas aqrinaayay Aayado Qur’aan ah.

 

Sh. Cali Xaaji Yuusuf waxa uu dadka ku waaniyay in aysan jirin Balaayo ka weyn in ruux muslim ah la dilo, iyadoo la leeyahay Janno ayaan helayaa, wuxuuna isweydiiyay sida janno loogu heli karo in la dilo ruux muslim ah, wuxuuna Ilaah uga baryay inuu xaqa fahamsiiyo.

 

Waxaa kale oo ka mid ahaa Culimadii kulankaas ka hadashay  Shiikh Muuse Cadde, Sheekh C/rashiid Sheekh Xuseen Cadde, Sheekh C/qaadir Soomow iyo Culumaa’udiin kale oo fara badan.

 

“Haddii Nin Ahlu Towxiid ah ee masaajidka ka soo baxay la dilo Ma jano ayaa lagu galayaa dilka ruuxaas Muslimka ah” ayuu yiri Sheekh Muuse Cadde oo sheegay in culumada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca looga baahan yahay inay dadka wacyigeliyaan

 

Kulanka Culimda ayaa ahaa mid ay si weyn uga soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana lagu jeex jeexay sida ay u xun tahay in ruux Muslim ah dilkiisa loo baneysto, isla markaana la yiraahdo weliba Janno ayaan ku galayaa dilka ruuxaas.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).